Xasan Sheikh & Cumar C.Rashiid oo loo jeediyay Cadeynta mowqifkooda ku aadan magaalada….

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada barlamanka Soomaaliya ayaa ka hor yimid qorshe maalinta beri ah ay sameynayaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubba oo ku aadan doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Maxamuud Cali Magan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney sharci daro tahay doorashada maalinta beri ah la filayo iney ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada doonaya iney doortaan madaxweynaha maamulka Jubba ay yihiin kuwo sharci daro ah maadaama ay waayeen kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya maasuuliyiinta ugu sareyso ee Xasan Sheikh iyo Cumar C.rashiid looga baahan yahay iney cadeeyaan mowqifkooda ku aadan doorashada ka dhaceyso magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa cadeeyay in madaxda dowlada Soomaaliya ay ka aamusan yihiin waxyaabaha ka dhacaya magaalada Kismaayo iyagoo og iney sharci daro yihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com