Guuleed oo shaaca ka qaaday qorshaha federaal ee laga damacsan yahay GOBOLKA BANAADIR

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed, oo soo dhaweyn kala kulmay beelaha Banaadiriga ayaa dhankiisa jeediyay hadal ku wajahnaa madaxweynaha Soomaaliya & wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.

C/kariin Guuleed, ayaa ugu baaqay wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya iney boobsiiso dhismaha maamulada ka dhiman nidaamka Federaalka, isagoo meesha ka saaray shakigii ku aadanaa in gobolka Banaadir uusan noqon doonin mid kamid noqda nidaamka Federaalka.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo wasaarada arimaha gudaha fududeeyaan dhismaha maamul gaar ah oo gobolka Banaadir uu yeesho, doorweyna laga siiyo beelaha Banaadiriga.

Madaxweynaha galmudug ayaa sheegay in gobolka Banaadir ay muhiim tahay in loo fiiriyo labo arimood oo ah in Banaadir uu yahay gobol dad badan ku nool yihiin oo dhaqaalo badan uu yaalo iyo in Muqdisho tahay caasimada kulmisay ummada Soomaaliyeed.

“Waxaan leeyahay dowlada Soomaaliya & wasaarada arimaha gudaha waa in la dajdajiyaa dhismaha Hiiraan & Shabeelaha Dhexe iyo gobolka Banaadir oo noqdaa maamul goboleed gaar ah oo dadka dagaa kaalin weyn ku yeeshaan”ayuu yiri Mr Guuleed.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa la hadal hayay in gobolka Banaadir uusan ka mid noqon doonin nidaamka federaalka Soomaaliya, laakiin hadalka Guuleed ayaa u muuqanaya mid meesha ka saaraya damaca ay qabaan siyaasiyiinta qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com