Xog: Jawaari oo la yimid shaqsiga loogu soo dari lahaa xukuumadda cusub ee uu soo wado CCC !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo laga helaayo dhanka Xafiiska Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa sheegaya in Gudoomiyaha uu la yimid shaqsiga Xukuumada cusub loogu soo dari doono.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in shaqsigaasi oo lagu magacaabo C/risaaq Sheekh Muxudiin uu iminka soo gaaray Magaalada Muqdisho islamarkaana la dajiyay Hotel Nasa hablood 2, waxaana lagu wadaa inuu ka soo dhex muuqan doono Xukuumada cusub ee iminka diyaarinteeda ay socto.

C/risaaq Sheekh ayaa waxa ay qaraabo hoose yihiin Gudoomiyaha BF Somalia, waxa ayna xogtu sheegeysaa in Jawaari uu la damacsan yahay inuu kusoo darro Xukuumada cusub, kadib markii Gudoomiyaha uu ku guuleystay qorshihii lagu dhaqangalin lahaa muddo kororsiga Madaxweyne Xassan.

Siyaasiyiinta Beesha uu kasoo jeedo Jawaari uga mid noqon lahaa Xukuumada cusub ayaa la soo marsiin doona Gudoomiyaha BF, sida laga soo xigtay Xildhibaan qaraabo dhow la ah Jawaari.

Madaxweyne Xassan iyo Jawaari ayaa iyagu isla daadihinaayo qorshooyin dhowr ah oo ay kaga faa’iideysanayaan mudada uga harsan xilka.

Geesta kale, waxaan iminka la saadaalin karin xilka loo dhiibi doono Mr C/risaaq Sheekh, waxa uuna qorshuhu yahay in dib usoo laabashada Jawaari oo ku maqan dalka Canada loo guda gali doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com