Dhageyso: Ismaaciil Daahir Cusmaan oo wareysi xasaasi ah ka bixiyey xaaladda dalka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ismaaciil Daahir Cusmaan oo ka mid ah ururka GURMAD ee u ololeeya jiritaanka qarannimada Soomaaliya, ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay arrimo badan oo xaaladda Soomaaliya ku saabsan.

ismailArrimaha Ismaaciil uu ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah arrinta hiigsiga cusub ee 2016, waxa uuna wax lagu xumaado ku tilmaamay go’aanka ay xildhibaanada ku raaceen golaha wasiirada ee ah in doorasho qof cod ah aysan ka dhici karin Somalia 2016.

Si kastaba, waxa uu soo bandhigay qorshaha iyo aragtida Gurmad ee ku wajahan sida arrintan loo wajahayo.

Ismaaciil ayaa dhinaca kale ku baaqay in wasaaradaha dowladda Soomaaliya loo dhiibo shaqsiyaad daacad ah oo lagu xushay kartidooda, balse aan ku imaan nin jecleysi.

Halkan ka dhageyso areysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com