XOG: Ethiopia oo waawaan ka dhex wada Axmed Madoobe iyo reer Gedo kadib markuu codsaday..

Kismaayo (Caasimada Online) – Waanwaan lagu doonay in wadahadalsiiyo hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ayaa ka socda degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ku sugan yahay Axmed Madoobe iyo wafdi la socda oo shalay gaaray. Itoobiya ayaa dadaal ugu jirta inay labada dhinac heshiis dhex dhigto arrintan oo uu Axmed Madoobe ka codsaday dowladda Itoobiya safarkiisii ugu danbeeyay ee Addis ababa.

Ku xigeenka Axmed Madoobe oo ka soo jeeda Gobolka Gedo. Jen. C/llaahi Fartaag oo laf ahaantiisa tegay Doolow ayaa xaqiijiyay inay socdaan dadaallo la isugu keenayo wixii siyaasiyiin ah iyo maamul oo ku sugan gobolka Gedo iyo Axmed Madoobe, isagoo intaas ku daray inay doonayaan in la xaliyo wixii khilaaf ah iyo tabashada ka jirta Gedo.

Shalay ayay ahayd markii ugu horeysay ee Axmed Madoobe uu tago gobolka Gedo tan iyo intii uu xilka hayay oo laba sanadood ah, waxaana maamulayaasha Gobolka Gedo oo taageersan dowladda Federaalka ay ku eedeynayaan inuu soo xusuustay xilli uu doonay inuu xilka muddo 4 sano kororsado, doorasho been abuur ahna loogu sameeyo Kismaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa dhowaan sheega inay sharci darro tahay ansixintii Baarlamaanka Juba ku ansixiyay dastuur uu yeesho maamulka Juba, wuxuuna intaas ku daray in Kismaayo oo qura maamul jooga aanu lahayn sharciyad uu dastuur ku sameeyo.

Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta reer Gedo ee Axmed Madoobe uu doonayo inuu la kulmo waxaa ka mida Guddoomiyaha Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, Maxamud Sayid Adan, Cusmaan Ow-libaax iyo xubno kale oo si weyn u qaadacsan maamulka ka jira magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com