“XAMAR waa ama Xasan Raac, ama Xabsiga aad ama xoolaha dadweyne dhinacaada ka xaabso”!!

London (Caasimada Online) – Dood kulul oo ay ka qeyb galeen Cabdi casiis Cali Xildhibaan oo matalayay dadweynaha, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo Safiir ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa waxaa xog badan looga bixiyay waxyaabaha ka socdo dalka Soomaaliya.

Dooda oo aad ukulul ayaa waxaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu la kulmay Su’aalo adag oo uu kala kulmay dadka ka qeyb galayay.

Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan, ayaa si adag u weeraray dowlada haatan jirta ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo runta ka sheegay dhibataada ay ku hayaan bulshada Soomaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada haatan jirta seddex jeer ay badashay dhamaan saraakiisha ciidamada, iyadoo la magaacay muddada seddexda Sano ah 108 Wasiir, sida uu sheegay.

Daqiiqada 30 ee dooda ayuu runta ka sheegay dhibaato ka jirto magaalada Muqdisho, waxaana uu badalay hal ku dhigii ahaa, Afkaada Qabso Ama Afgooye aad ama Afweyne Raac.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com