Wadaad iyo siyaasi caan ah oo fariin xooggan ka soo saaray doorashada madaxwenaha Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Baarlamaanka maamulka Jubbaland uu ka hor imaaday qorshaha wakhti kororsiga ee uu dalbaday Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah Culimada Somaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka.

Sheekh Shakuul, ayaa sheegay in ka shaqsi ahaantiisa ay u muuqato ka hor imaanshiyaha Baarlamaanka ee wakhti kororsiga uu wakhti danbe yeelan doono khatartiisa.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in muddo kooban loogu darro Axmed Madoobe si meesha looga saaro dhibaatooyin ka dhasha doorasho degdeg lagu qabto.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul, ayaa tilmaamay inaanay 15 cisho lagu qaban karin doorashada Madaxweynaha, isagoona go’aankaasi ku macneeyay go’aan aan sax ahayn.

Mar uu ka hadlaayay arrintaasi ayaa waxa uu yiri “Dhab ahaantii anigu waxaa ii muuqda in degdegta ay ku jirto Baarlamaanka, waxaan cadeynayaa in go’aankaasi uusan ahayn go’aan sax ah. 15 berri gudahood doorasho intaa le’eg oo Maamul Goboleed dhan Madaxweynahiisa lagu dooranaayo, laguma qaban karo cidna taasi caad kama saarna”

Waxa uu ka digay in Bulshada loo horseedo dhibaato iyo qaxar, bacdamaa uu yiri doorashada aysan noqon doonin mid uu deegaanka ku xasilnaan doono.

Isaga oo intaa hadalkiisa kasii ambaqaadayay ayuu yiri “Haddii la rabo doorasho madax banaan oo cadaalad ah inay dhacdo, waxay u baahan tahay waqti dhan bil, diyaargarow bay u baahan tahay. Guddiyo doorasho oo lagu kalsoon yahay ayay u baahan tahay, sharuuc iyo xeerar bay u baahan tahay, beesha caalamka iyo Dowladda Federalka inay qayb ka ahaadaan bay u baahan tahay”.

Dhanka kale, waxa uu walaac ka muujiyay wadada ay kusii socto Jubbaland waa haddii uu arrinku yahay mid degdeg ah, waxa uuna Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Maamulka ugu baaqay inay ka fiirsadaan inta ay goori goor tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com