Xanuuno aan la aqoon oo lagu arkay Hiiraan & Shabeelaha Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in cudur aan la aqoon uu ka dilaacay degmadaasi, kaasi oo dad badan la il daran yihiin.

Cudurka aan la aqoon ayaa lagu arkay degmada Maxaas ee gobolka  Hiiraan halkaasi oo dad badan ay la il daran yihiin, waxaana adag in la ogaado dadkaasi waxa hayo iyo waxay yihiin.

Abuukar Sh.Cabdi Cali oo kamid ah waxgaradka degmada Maxaas ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 30 ruux ay la ildaran yihiin cudurka aan la aqoon, waxaana uu sheegay in dad ay u dhinteen.

Marka hore ayuu sheegay in ruuxa uu shubmayo, kadibna uu matagayo ayna garan waayeen dadka ku dhaqan degmada Maxaas, xanuunkaasi waxa uu yahay.

Waxaa haatan socda gurmad loo sameynayo dadka xanuunada aan la aqoon ay soo wajaheen.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dad badan u hayo xanuun aan la aqoonsan laakin lagu qiyaasay inuu ka dhashay caano la aaminsan yahay iney sumeysnaayeen oo ay cabeen.

Maamulka Degmada Mahadaay ayaa sheegay in ku dhawaad 40 ruux uu xanuunkaasi hadda hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com