Guuleeed oo kashifay waxa uu Farmaajo ‘ka damacsan yahay’ kulanka xildhibaanada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ahna hogaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee SAHAN ayaa ka cabsi qaba in Farmaajo uu qorshe ka damacsan yahay kulanka uu isugu yeerayo labada aqal ee Baarlamaanka.

Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa aaminsan in madaxweyne Farmaajo uu fadhigaas ku carqaladeynayo natiijada kasoo baxda shirka magaalada Dhuusamareeb, inkastoo uu soo dhaweeyay shirka Dhuusamareeb 4.

Sidoo kalana wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha baadi goob ugu jiro muddo kororsi, balse uu kalsooni ku qabo in Baarlamaanka uu muddo xileedkiisii dhamaaday uusan ku dhaqaaqi doonin tallaabo mudada loogu kordhinayo hogaan xiligiisii dhamaaday, kuna fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho iyo daganaasho siyaasadeed, sida uu yiri.

Dhanka Madaxweynahii hore Galmudug wuxuu Farmaajo ku bogaadiyay tallaabada wanaagsan ee uu u qaaday inuu shirka iclaamiyo, aheydna arrin mar hore loo baahnaa, isla markaana uu rajeynayo iney soo afjarto mushkiladda hareysay arrimaha doorashada.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu rajeynayo in si wanaagsan loo wada hadalo, la isku tanaasulo, lana keeno xal dhexe oo doorasho lagu wada qanci karo ay ka dhalato.

QORAALKA CABDIKARIIM HUSSEIN GUULEED AKHRISO:

Madaxweynuhu talaabo fiican ayuu qaaday hadii uu shir isugu yeeray madaxda maamul Gobolleedyada. Waxey aheyd arrin loo baahnaa xilli hore. Marar badan ayaan ugu baaqnay inuu dadka isku raadiyo oo uu odeynimo muujiyo inta uusan waqtigu ka idlaanin. Shirka Dhuusamareeb4 waa inuu noqdaa mid soo afjara mushkiladda doorashada oo ay markii horaba madaxtooyadu gacanteeda ku abuurtay.

Waxaan rajeyneynaa in dhab loo wada hadlo, la isu tanaasulo, lana keeno xal dhexe oo doorasho oo ay ku wada qanci karaan dadka Soomaaliyeed, si gaar ah waa in laga heshiiyaa saddexda mushkilad ee hortaagan doorashada. Waa Guddiyada, arrinta Gedo iyo maamulka kuraasta gobollada Waqooyi.

Dhinaca kale waxaa shaki iyo mugdi xambaarsan kulanka uu madaxweynuhu ugu yeeray labada Aqal 5ta Febraayo. Taas oo loo arko arrin la rabo in lagu carqaladeeyo wax walba oo kasoo baxa shirka Dhuusamareeb4, laguna baadi goobayo muddo korarsi. Waxaanse ku kalsoonahay in Baarlamaanka uu muddo xileedkiisii dhamaaday uusan ku dhaqaaqi doonin tilaabo mudada loogu kordhinayo hogaan xiligiisii dhamaaday kuna fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho iyo daganaasho siyaasadeed.

Haddaba madaxweyne waxaan leenahay fadlan adigoo aan arrintaas waqti ku lumin, fursadaadii ugu dambeysay waxey taalaa Dhuusamareeb ee ka faa’iideeyso.

Talaabo walba oo aan sharci aheyn, waxay dhali kartaa talaabo kale oo aan sharci aheyn. Waxaan si cad u leenahay madaxweynaha ka joogso jihadaas qaldan, oo ha khaarijin fursadda Qaranka.