Guulwade iyo Gen. Axmed Jaamac oo laga dalbaday in ay iska casilaan guddigii uu magacaabay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa dalbaday in laba xubnood ay iska casilaan Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee uu bisii July magacaabay madaxweyne Farmaajo.

Labada xubnood ee la diidan yahay ayaa kala ah Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) iyo Jeneral Axmed Jaamac Muuse.

Xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland kana tirsan guddiga joogtada ee golaha shacabka oo shalay la kulmay guddigan qaabilsan wada-hadallada, ayaa sheegay inay muhiim tahay in labada xubnood laga saaro guddiga, si meesha ay uga baxdo aragtida aan waanagsaneyn ee guddiga laga qabo.

“Maanta waxaan si rasmi ah ugala hortagay labada jeneral ee howl-gabka ah ee Cabdiraxmaan Guulwade iyo Axmed Jaamac inay iska casilaan Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta Somaliland. Tani waxay dhabbaha u xaari doontaa in la beddelo mowqfika aan wanaagsaneyn ee dadku ka qabaan guddiggan” ayuu xildhibaanka ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Aragtida xildhibaan Cabdifataax ayaa waxaa sidoo kale qaba xildhibaano kale oo kasoo jeeda gobollada waqooyi oo marar badan ku dhaliilay madaxweynaha go’aanka uu ku magacaabay xubnahan.

Cabdiraxmaan Guulwade iyo Axmed Jaamac ayaa lagu haystaa inay jagooyin sare ka hayeen dowladdii Maxamed Siyaad Barre markii ay xasuuqa ka gaysatay gobollada Waqooyi, inkasta oo si toos ah aan loogu caddeyn inay ku lug lahaayeen.

Cabdiraxmaan Guulwade waxa uu soo noqday taliyaha guul-wadeyaasha, iyo taliyaha booliiska Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale uu qabay gabadhii Maxamed Siyaad Barre. Waxa uu aad ugu dhowaa Maxamed Siyaad Barre, la-taliyana u ahaa.

Axmed Jaamac Muuse oo kasoo jeeda gobollada Waqooyi waxa uu 1987-dii noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed isaga oo ugu horeeyey Guulwade, waxaana xilligii uu xasuuqu dhacayey uu hayey jagadan.