Guux ka dhashay Booqashadii IYAAD CALAAWI

Muqdisho (Caasimada Online) – Tiro kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia, ayaa aad u dhaliilsan booqashadii uu magaalada Muqdisho ku imaaday Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq Iyad Calaawi kaasoo kulamo gooni gooni ah la qaatey Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid iyo Xubnaha Baarlamaanka.

Mas’uuliyiinta qaarkood ayaa si lamafilaan ah ku qaabilay Iyad Calaawi, waxa ayna sheegen in la kulanka Calaawi uu ahaa dalab kaga imaaday dhanka Madaxweyne Xassan Sheekh.

Xildhibaan Dhalxa oo kamid ah Mudanayaasha BFS ayaa sheegay in Iyad Calaawi uu yahay mas’uul ay ku fog tahay Shiicanimada islamarkaana uusan garankarin sababta keentay in Madaxda dalka ay marti galiyaan ama ay calaaqo u muujiyaan Dowladaha shiicada ah.

Xildhibaan Dalxa waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan wanaag u arag in xiliga la joogo ay Dowlada Somalia xiriir la sameyso Dowladaha ku dhaqma madaahibta shiiciga waxa uuna meesha ka saaray in ujeedka socdaalka Iyad Calaawi uu ahaa mid ku qotoma Siyaasada.

Xildhibaan Dalxa oo ay ka muuqato dhaliil ayaa yiri “Marka ugu Horeysa Go’aan Baarlamaan kuma imaan ee waxaa uu ku yimid Ogolaansho Dhinaca Xukuumada sidaa Darteed Iyad Calaawi waa nin Ciraaqi ah islamarkaana Magac Dowladnimo Dalka ku yimid sidaa ayuu Baarlamaanka Federaalka uu ku soo dhaweeyey waxaana la socdey nin Dhigeyga ah oo Baarlamaanka Xilka aan ka hayo isna ka hayo Baarlamaanka Ciraaq, balse anigu run ahaantii ma jecleysan in Dowladu ay xiriir la sameyso dad noocaasi ah”

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar oo iyaguna ku qornaa soo dhaweynta ayaa ka cudur daartay inay soo dhaweeyan Iyad Calaawi, waxa ayna Dowladu ku eedeeyen qaabka ay ula dhaqantay Dowlada Iraan oo diblumaasiyiin looga xiray magaalada Muqdisho iyo sida ay iminka ula dhaqmeyso Dowlada Ciraaq oo aad uga liidata Dowladaha kale una fog shiicanimada.

Dhinaca kale, Booqashadaasi ayay Dowlada Somalia ku muujineysaa u kala eexashada Dowladaha Shiicada ah, waxa ayna tani godob ku noqoneysaa Dowlada Xassan Sheekh oo la kala safatay Shiicada Iraan iyo tan Ciraaq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com