Ha’ayadda Hiddo Soor oo qabatay munaasabad lagu maamuusayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Hay’ada Hidosoor ayaa suuro galisay in Soomalida degan nawaaxiga magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul (Twin Cities area) gaar ahaan Plymouth, Minnesota in ay helaan Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Hibayoonka Soomaalida. Maallinta June 18 ayaa noqotay maalin lagu calaamadeeyay Maalinta Dhaqanka Soomaalida. 

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay Xarunta Hilde Performance Center ee ku taalla magaaladda Plymouth ee gobolka Minnesota, ayadoo Soomalida degan Plymouth, Minnesota iyo maagoolinka ku dhaw dhaw ay soo bandhigeen Hiddahooda iyo Hibooyinkooda iyo Ganacsigooda. Munasabadaan waxaa kasoo qayb galay Soomaali gaaraysa ilaa sadex kun.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo ka qayb galay ma’uuliyiin ay ka mid yihiin Congresswoman Ilhan Omar, Duqa magaalada Plymouth, Minnesota Mayor Jeffry Wosje iyo Xilibaanad Plymouth ku Matasha Gobolka Minnesota Ginny Klevorn. 

Sidoo kale munaasabadaan ayaa noqon doonta mid sanadle ah, islamarkaana lagu soo bandhigo Hiddaha iyo dhaqanka.

Ugu danbayn, Mayor Jeffry Wosje ayaa Hiddosoor gudoon siiyay warqada uu ku ogolaaday in June 18 ay noqoto maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida. Sidoo kale Maxamed Ciise oo ah agaasimaha Hiddosoor ayaa sheegay “Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida inay noqon doonto mid State ka oo dhan loogu dabaal dego.”