Muxuu Cumar C/rashiid ka yiri magacaabista Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hor ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi dheer siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan isbeddelkii dhacay 15-kii bishii hore ee May.

Cumar Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday inuu wax wanaagsan u arko isbeddelka hoggaamineed ee ay gashay Soomaaliya, wuxuuna guul u rajeeyey madaxda cusub.

“Dadku hadda waxa ay u arkaan in isbedel wanaagsan uu yimid waxaan rajeyneynaa in Ilaahey jidka saxda ah ku toosiyo oo dalkan sifiican lugaha loogu istaajiyo” ayuu yiri.

Sharmaa’arke ayaa sidoo kale ka hadlay magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, wuxuuna tilmaamay in Xamza Cabdi Barre uu yahay nin ka bixi kara mas’uuliyaddaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xamza uu yahay nin leh aqoon iyo karti, isla-markaana uu wax badan kala socdo dalka.

“Madaxweynuhu markii la doortay waqti buu qaatay sida sharciyaddu siineyso ra’iisul wasaaruu soo xulay nin aan is leeyahay mugeeda waa leeyahay, tayadeeda waa leeyahay, aqoonteeda waa leeyahay iyo khibradda gudaha waxa dalka ka jira,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha sugaya ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa oo ay ugu horreeyaan dhammeystirka dastuurka, arrinta Soomaaliya iyo Somiland, caddeynta Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo dib u habeynta Ciidamada.

“Dhammeystirka dastuurka oo u baahan in dadka laga tala-geliyo, arrinta Soomaaliya iyo Somaliland sidii loo gaarsiin lahaa oo loo dhammeystiri lahaa, arrimihii siyaasadda iyo amniga, waxa kale oo dhiman arrinta xamar State-keeda sidii dastuurka loogu qeexi lahaa, waxaa is leeyahay arrimo badan oo masiiri ah ayaa yaallo” ayuu markale yiri Sharmaa’arke.

Ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii qaybta ka ahaa doorashadii soo dhammaatay, inkastoo uusan isa soo sharixin, haddae wuxuu safka hore uga jiray hardankii socday, isaga oo kusoo laabtay dalka, kuna biiray shirarkii magaalada Muqdisho, ka hor doorashadii la qabtay 15-kii bishii hore ee May ee sanadkan 2022-ka.