Hadal hayn ka dhalatay dilal uu Afghanistan ka gaystay wiilka uu dhalay boqorka UK

London (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Harry Charles, Wiilka labaad ee uu dhalay boqorka dalka Ingiriiska uu sheegay in uu dilay 25 qof xilli uu ku jiray ciidamada Britain ee ku sugnaa dalka Afghanistan, ayaa waxa ka dhalatay hadal hayn badan.

“Markaas uma arkeyn dad ee laakiin waxay igu muuqdeen qoryaha shaxda lagu ciyaaro, ma aheyn dilkaas mid aan ku diirsaday, dhinaca kalena culeys iguma ay noqon,” ayuu yiri Harry Charles.

Harry Charles oo arrintaan ku sheegay waraysiyo uu ka bixiyay buug uu qoray, ayaa waxa uu dhalleeceynta u culus kala kulmaya hoggaanka Afghanistan oo ah dalka uu dilkaas ka geystay xilligaas.

“Shax aad ciyaareysay ma aheyn dadkaasi ee bini’aadam ayey ahaayeen, qoysas ayey lahaayeen oo sugayay inay soo nabad noqdaan. Gacan ku dhiiglayaasha Afghanistan qaar badan oo kamid ah ayna ku dhicin inay muujiyaan damiirkooda oo ay qirtaan dambiyada dagaal,” ayuu yiri Annas Haqqani, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Afghanistan.

Haddaba, saamayn intee le’eg ayey arrintaan ku yeelan kartaa qoyska boqortooyada Britain, dowladda iyo waliba Harry laftiisa.

Maxamed Ibraahim Hereri oo ka faallooda arrimaha Britain oo la hadlay VOA ayaa sheegay in arrintaan aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn qoyska boqortooyada iyo Harry, hase yeeshe

“Dilkan uu qirtay uma maleynayo inay hoos u dhigeyso taageerada ay u hayaan dhalinyarada. Markii uu gabadha madow guursaday Harry raali kama aheyn, ee waxay la rabeen gabadh Ingiriis dhalad ah sida hooyadii ama gabadha kale ee dumaashidii ee uu qabo walaalkii,” ayuu yiri.

Hereri ayaa sidoo kale qaba in qirashada Harry Charles aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Millateriga Britain, marka laga yimaado saameynta ay arrintaan ku yeelatay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka.

“Waxaa loo arkayay Nin aan daganeyn oo fudud, walaalkiina markuu boqorka noqdo umaleyn maayo in uu soo dhaweyn doono sheegashada waxa raba in walaalkay iyo aabahay xiriir wanaagsan la yeesho, labada midkood umaleyn maayo in wax kasoo hagaagayaan.”