Yaa kusoo baxay doorashadii maanta ee guddoomiyaha guddiga dastuurka ee BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Samatar oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan ayaa maanta ka qeyb-galay doorashada guddiga dib u eegista la-socoda iyo hirgelinta Dastuurka BFS.

Doorashada Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo tartamay illaa saddex boos oo kala ah guddoomiye, ku-xigeen iyo xoghaye, kuwaasi oo lagu kala guuleystay.

Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa ku guulaystay xilka guddoomiyaha, mana jirin cid la tartantay, halka guddoomiye ku-xigeenka guddigana uu ku guulaystay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 5 Cod halka Senator Xasan Xuseen Xaaji oo la tartamay uu helay 4 cod.

Sido kale waxa xoghaya guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka BFS loo doortay Senator Saciid Cabdi Xuseen oo isagana aysan jirin cid la tartantay.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sacdiyo Yaasiin samatar oo doorashada goobjoog ka ahaa ayaa bogaadiyay hannaanka ay u dhacday doorashada Guddiga Dastuurka Baarlamaanka.

Sacdiyo iyo Ibraahim ayaa waxa kale oo ku booriyeen guddoonka cusub inay si hufan oo xilkasnimo leh u gudtaan waajibaadka loo igmaday ee qabyo tirka Dastuurka Soomaaliya.

Waxaa hore guddigaan guddoomiye ugu ahaa Senator Cabdi Qeybdiid, iyadoo aan weli la dhameystiran Dastuurka Ku-meel-gaarka oo Baarlamaankii saddexaad uu gacanta ku hayo.