Sawirro: Xamza oo booqday ciidanka laga keenay Eritrea?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhawaan ku soo qaatay dalka Eritrea.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in Al-Shabaab muddo kooban kaga sifayn doonaan goobaha kooban ee ay kaga hareen ay dalka

“Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina. Qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun-yihiin,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu usheegay in uu ku garab siin doono ciidamadaan, sidii ay u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

“Fursad ayaa haysataan, waxaa la jooga xilligii aad isku soo dhiibi laheydeen intii la idin qaban idinka oo dambi gacmaha kula jira,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza oo baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee weli la-jira kooxaha argagixisada.

Ciidamadaan laga keenay Eritrea ee ku sugan Muqdisho ayaa qeyb ka noqon doona howl-galka cusub ee deegaanada dhiman lagu xoreynayo, kaasi oo madaxda sare ee dowladda ay rabaan in uu ka deg deg bato kuwii hore ee lagu xoreeyay qeybo kamid ah dalka.

Saraakiisha ciidanka ayaa qaba in ciidamadaan looga maarmi doono yaraantii ciidan ee heysay dowladda oo sababi jirtay in ciidamada loo raro deegaano kala fog-fog, iyadoo diyaarado lagu qaadayo.

Ciidamadaan oo sanad badan ku maqna dalka Eritrea ayaa dhawaan si toos ah u bilaabatay soo daabulidooda, kadib dadaal uu soo celintooda u galay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer tagay dalka Eritrea.