25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Hadalkii carada dhaliyay ee Faysal Waraabe ee Xamar oo jawaab adag laga bixiyay + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu jawaabay siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo dhowaan sheegay in Xamar ay la wareegi doonto kooxda Al-Shabaab.

Waraabe oo ka hadlayay safarka ra’iisul wasaare Xamza ee Laascaanood ayaa sheegay in aanu waxba soo kordhineynin, isla markaana bisha May ee sanadkan laga qabsanayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Socdaalka Ra’iisul wasaare ee Xamza ee Laascaanood wax micno ah maleh, bisha May ee sanadkan ayay Al-Shabaab la wareegeysaa Muqdisho,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Intaasi kadib Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul oo soo hadlay ayaa sheegay in Faysal uu caddeeyay taageerada uu u hayo Al-Shabaab, uuna bannaanka usoo wada baxay, isaga oo xusay in hadalkiisa uu muujinayo inuu u adkeysan waayay jabka loo gaystay Khawaarijta.

“Maalin dhexdaas ayaa waxaan dhageystay nin Faysal Cali Waraabe la yiraahdo oo dhahaayo bisha May Xamar ayay qabsanayaan Al-Shabaab aniga marka aan fiirshay waxaan is iri ilmihii ayaa laga xanjafiyay ow soo diray haddana odayaashii ayaa soo baxay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Badbaado Bulsho Nabadoon C/qaadir Abaabul.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Soomaali ha ogaato Al-Shabaab meel ayuu yeeshay, waana walax meel laga soo diray, afkana odayaal siyaasiyiin ah ay ku difaacayaan”

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hadalkiisa uu lamid yahay xabadda Al-Shabaab, isaga oo Somaliland ka dalbaday inay ka daba tegto hadalkaasi, ayna raalligelin bixiso.

“Faysalow adiga oo xabad nagu soo riday ayay la mid tahay Shabaab xabadoo nagu ridaayo, waana takane meel kuu taallo, mana ilaawi doono, haddii ay Somaliland ka bixinin raalligelin rasmi ah,” ayuu mar kale yiri Nabadoon Cabdulqaadir Abaabul.

Hadalkan Faysal Cali Waraabe ayaa sii xoojiyay eedeymaha loo jeediyo Somaliland ee ku aadan ‘xiriir kala dhexeeya Al-Shabaab’ maadaama Abwaanno ka yimid Hargeysa ay aadeen Jilib, ayna ku biireen dagaalka ay kooxda ka waddo koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba, wuxuu hadalkan sidoo kale kusoo aaday, iyada oo haatan dagaallo culus ay ka socdaan Shabeellooyinka oo ay soo galeen Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana guluf culus ku qaaday dowladda federaalka oo kaashaaneysa shacabka iyo saaxiibada caalamka.

- Advertisement -

Read more

Local News