Hadalkii Cawad oo dhaawac weyn gaarsiiyey dib u furista wada-hadalladii Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid god madow kusii rideysa rejadii laga lahaa dib u furista wada-hadaladii kala dhaxeeyay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada.

Dowladda federaalka ayaa la rumeysan-yahay in muddooyinkii dambe warbaahinta marineysay hadalo sii kala fogeynaya Somaliland, isla markaana gebi ahaanba meesha ka saari kara in labada dhinac iskugu yimaadaan miiska wada-hadalka.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay telefishanka Al-Arabiya ku sheegay in shirkadda DP World oo maal-gelinaysa dekedda Berbera ee Somaliland ay khatar, Faro-gelin iyo kala qaybin ka wado gudaha Soomaaliya, midaasi oo ay si weyn uga gubatay Somaliland.

Hadalka Wasiirka ayaa sarre usii qaaday xiisada kala dhaxeysa Somaliland oo iyadu u aragta in loogu awood sheeganayo ictiraafka ay 29-ka sano ka badan aysan weli helin, isla markaana lagu soo xad-gudbay xiriiradeeda dibedda.

Somaliland ayaa iyaduna dab kusii qabata hadalada xanafta leh ee kasoo baxa dowladda federaalka, midaasi oo sii fogeynaysa in waqti dhow ay furmaan wada-hadalada labada dhinac, maadama ay cadaawad xoogan warbaahinta isku marinayaan.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu markasta kadaba qaadata dowladda federaalka, iyada oo inta badan ku cel-celisa inay tahay dal madax-banaan oo faro-gelin qaawan lagu hayo, walow uusan caalamku la qabin arrinkaasi.

Sidoo kale waxa la rumeysan-yahay in dowladda Imaaraadka oo xiriir wanaagsan la leh Somaliland ay daba ka riixeyso qabsoomi la’aanta wada-hadaladaasi, xili uu lumay xiriirkoodii kala dhaxeeyay dowladda federaalka oo iyadu u aragto inay kala goynayso dalka.

Xiisada ka dhaxeysa Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa u muuqata mid aan xili dhow suurtagalin karin wada-hadalo miro-dhala, maadama labada dhinac ay sii hurinayaan kala qeybsanaanta dhexdeedo, taasi oo ‘god madow’ kusii rideysa inay miiska wada-hadalka iskugu yimaadaan.