Madaxweyne Farmaajow hal mid garwaaqso (Faallo)

Waxa gabaabsi ku dhow muddo xileedkii xukuumada Farmaajo, iyada oo muddo yar un ka hadhay xiligii uu dalku u diyaar garoobi lahaa doorasho.

Xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa inta badan lagu eedeyaa inaysan weli ku baraarugin muddo xileedka gabaabsiga ah, midaasi oo ay keentay u diyaar garow la’aanta doorasho qabsoomta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan-yahay inuu weli hunguriyeynayo inuu marlabaad qabto talada dalka, taasi oo uu ku wajahi doono loolan adag oo siyaasadeed.

Aqoonyahanka sida weyn u falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa iyagu laftigooda shaki galiyay inuu madaxweynuhu u diyaar garobay doorasho, maadama uu weli ku adkeysanayo qof iyo cod oo u muuqata mid aan ka qabsoomi karin gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadisyo dhanka amniga ah, midaasi oo meesha ka saareysa inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo uu inta badan ku cel-celiyo madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa dhowr jeer loogu baaqay inuu garwaaqsado inuu xiligiisi gabo-gabo yahay, isla markaana uu udiyaar-garoobo doorasho, taasi oo wax badan ka duwanaan doonin midii uu hore kursiga dalka ugu sareeya ugu fuulay.

Madaxda mucaaridka ayaa iyaguna madaxweynaha uga digay muddo kororsi iyo inuu xilka isku sii dhajiyo marka ay mudadiisu ka dhamaato, iyagoona ku baaqay inay xiligeeda ku qabsoomto doorashada dalku.

Ma cadda in Farmaajo uu xiligeeda ku qaban doono doorasho iyo inuu sameyn doono kororsi horseedi kara khal-khal siyaasadeed oo baahsan, maadama uu weli ku adkeysanayo inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo xiligan u muuqata mid aan suuro-gal aheyn.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid