Xog: Kheyre oo bixiyey amar la xiriira shaqaalaha ay DF Soomaaliya qoraneyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dhamaan Golaha Wasiirada iyo xafiisyada kale ee dowladda u sheegay in aan la qoran karin shaqaale cusub oo dowladeed ilaa amar dambe.

Sida ay noo sheegeen ilo ku dhow ra’iisul wasaaraha, Xasan Cali Kheyre ayaa amray in marka hore la shaqaaleysiiyo kuwii kumeel gaarka ahaa ee joogay xafiisyada dowladda markii kuwaas loo helo shaqaaleysiin ayuu sheegay in la qaadan doono kuwa cusub.

Amarkan oo soo baxay dhowr toddobaad ka hor, ayaa Kheyre wuxuu ku sheegay in xafiiskii shaqaale looga baahdo in looga soo wareejin doono xafiis kale oo laga heli karo shaqaale kumeel gaar ah oo qaban kara shaqadii loo baahdo.

Arintaan ayaa doodeeda waxay bilaabatay markii ay xayeysiisay jagooyin ka banaan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya taas oo markii dambe sababtay buuq iyo hadal heyn badan.

Amar ka soo baxay Kheyre ayaa markii dambe lagu joojiyay booskii la xayeeysiiyay iyadoo kadibna uu soo baxay amarkaa.

Xubno kamid ah wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan jirin qof qaadan kara shaqaale cusub haddii ay dhacdana talaabo laga qaadi doono.

Arintaan ayaa noqoneysa mid culeys ka qaadeysa shaqaale badan oo muddo dheer kumeel gaar ahaa kuwaas oo dad badan oo ka dambeeyay kana xirfad yar la shaqaaleysiiyay, waxaana shaqaaleysiinga shaqaalaha dowladda lagu salleeyaa saameynta siyaasiinta matala ku leeyihiin dowladda.