Waddani oo dalbaday in meesha laga saaro wada-hadalada Somalia + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa maanta si cad u sheegay in gebi ahaanba meesha laga saaro wada-hadalada fadhiidka noqday ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Waddani ayaa arrinkaasi sabab uga dhigay cadaawad iyo fara-galin uu sheegay inay wado dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, midaasi oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn usoo if-baxeysay, waa sida uu hadalka udhigaye.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Daamur oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, kaasi oo uu eedeymo ugu jeedinayey dowladda Imaaraadka iyo shirkada DP World.

Siyaasi Daamur ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumada Farmaajo ay markasta ka xuntahay horumarka Somaliland, iyada oo dhowr jeerna isku dayday inay curyaamiso, wuxuuna yiri “Sidaynu la socono is beddelo badan oo soo kordhaya oo ka muuqato cadaawadi ayaa Soomaaliya ka muuqda, siiba hadalkii ugu dambeeyey ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaanu hadalkiisi markhaati cad u ahaa muuqaalka iyo aragga ay leedahay Xukuumadda Farmaajo iyo siday u fikirayso marka arrimaha Somaliland loo eego”.

“Waxaa dhibaya wax walba oo horumar ah oo dalkan ka dhaca, wax walba oo wanaagga oo dalkan ka dhaca, wayna ka ashkato tagayaan, way ka dagalamayaan wada-jirka dadkan iyo horumarkooda ma ogola, hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayay ku caddahay waxaynu ka been abuurayno maaha, waxaa kale oo ka horeeyey tagisiiti uu Madaxweynaha Somaliland tagay Gini”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waxaa la gudboon oo run ah in la iclaamiyo oo cod dheer lagu sheego iyadoo la sababaynayo in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya uu istaagay oo Xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya inaan wada-hadal la wadi karin oo la sababeeyo, cid kasta oo ay khusaysana la siiyo qoraal”.

Siyaasiga ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi inay xooga saarto baraha bulshada, si dadweynaha loo tuso qadiyada gooni goosaadka ah ee Somaliland, iyada oo la rumeysan-yahay in xukuumada Farmaajo ay malaayiin doolar ku bixiso barahaasi.