Agaasimaha HERITAGE oo shaaca ka qaaday qorshe ay maamul goboleedyada rabaan inay ka hor-tagaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka cilmi baarista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay baaqii kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, isla markaan ay si is-daba joog ah u taageereen inta badan maamul goboleedyada dalka iyo xisbiyo siyaasadeed oo dhowr ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo war-saxaafadeed kasoo saaray shirkii guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ayaa dhinacyada siyaasadda dalka ugu baaqay in shir deg deg ah la isugu yimaado, inta aan la gaarin 25han June.

Halkaas kasoo yeeray Cabdi Xaashi waxaa soo dhaweeyay dowlad goboleedada Puntland, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Madasha Xisbiyada Qaran, safaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo dhinacyo kale.

Agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa ka hadlay sababta ay dhinacyadaas u wada taageereen dalabkii ka soo yeeray guddomiye Cabdi Xaashi ee ahaa in la isugu yimaado shir aan dhaafin 25-ka June.

Agaasime Cabdirashiid ayaa sheegay in maadaama 27-ka June lagu balansan yahay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ay warbixin ku aadan nidaamka doorasho ee dalku aadayo laga sugayo, ay dhinacyadaasi doonaayaan in waqtigaas ka hor madaxdu ka wada hadasho arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdirashiid Khaliif ayaa sheegaya inay doonayaa inay ka hortagaan qorshe laga cabsi qabo in guddiga doorashooyinka ay ku dhowaaqaan 27-ka June oo ah in doorasho aysan dhici karin, oo muddo kororsi lagu siinayo dowladda.

“Hadii iyadoo uusan shir dhicin, oo madaxda dowlad goboleedyada aan talada waxlaga gelin, uu baarlamaanku inta usu yimaado go’aamo iska gaargaaro, oo Xaliima Yarey hor timaadoo talooyin soo jeediso taladaasna aysan wax ku laheyn, xaqiiqooyinbaa lagu dul abuurayaa, iyaguna taas ayey diidanyihiin, oo waxay leeyihiin talada wax hanala ka siiyo” ayuu yiri Agaasime Cabdirashiid.

Agaasimaha Heritage ayaa sheegay in xukuumaddu damacsantahay inay baarlamaanka shiriso oo go’aamo la gaaro, kadibna dowlad goboleedyada lagu yiraahdo xildhibaanada idin metela ayaa idiin gaaray go’aankan, halka maamul goboleedyaduna ay ku doodayaan in uu dhamaaday waqtigii go’aan gaarista dowladan.

Agaasime Cabdirashiid ayaa dhinacyada siyaasadda dalka ugu baaqay inay si xirfadeysan oo is kaashi ku dhisan ay dalka uga gudbiyan marxaladan, si gaar ah labada guddoomiye ee Aqalada baarlamaanka, waa Cabdi Xaashi iyo Maxamed Mursal ayuu ugu baaqay inay wada shaqeyn dhaw yeeshaan, maadaama ay yihiin odayaal Soomaaliyeed oo jooga golayaal sharci ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga