Thaabit Cabdi oo hal mid uga digay dowladda Soomaaliya

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ,Thabit Cabdi Maxamed oo hada ah hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka ah in ay waaqici noqoto oo ay dhageysato talooyinka loo soo jeedinaayo xiligaan kala-guurka ah.

Thabit wuxuu xusay in la joogo waqtigu xasaasi ah, loogana gudbi karo dabeecad Qaran iyo tanaasul wuxuuna iftiimiyay in Dowladda Dhexe ay halis ugu jirto in kaalinteedii lala qeybsado hadii ay sidaan wax kusii socdaan.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in siyaasiyiinta laga rabo iney ka fogaadaan hadallada abuuraya rajo beelka shacabka.

Hoos ka aqriso qoraalka Thabit Cabdi

Marxaladda kala-guurka ah waa ineysan noqon mid abuurta naceyb, fowdo iyo is eedeyn. Waa xilli u baahan in qof walba uu xaqiiqada la fal-galo. Waa waqtiga ugu xasaasisan, waxaana looga gudbi kara dabeecad qaran iyo danta guud oo loo tanaasulo.

Qoraalladii Aqalka Sare, Dowlad Gobolleedyada qaarkood iyo Safaaradda Mareykanka waxey bidhaamiyeen baahida loo qabo wadahadal.

Dowladda Federaalka ah waxaa hortaal iney waaqici noqoto, tallooyinka dhageysato oo aysan abuurin jawi dhiisha lagu wada cugo.

Awrka raran usha u dambeysa baa dhabarka ka jebisa ee tan hore ma’ahan, Dowlad walbana xilliga u dambeeya ayay is-furataa ama rarku ka furtaa.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa isu dulsaaran qalin iyo buug, waxeyna diiwaanka ku qori doonaan siyaasi walba oo majaxaabiya rajada Qaranka iyo fursadooda ka qeyb noqoshada hayaanka dowladnimo loo dhanyahay, sidaa darteed waa in aan hubinaa hadalkeena iyo ficilkeena, oo aanan dhiilo xun abuurin.

Mahad-badan