Caynte oo qoraalkii Mareykanka ee Farmaajo ku qeexay “canaan, ceebeyn iyo wajigabax”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa fasiraad diblomaasiyadeed ka bixiyey qoraalkii shalay kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ee loo diray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalkaas ayaa lagu yiri “Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysa Villa Somalia inay kulan isugu keento dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya. Wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah aad ayaa loogu baahan yahay si loo xaliyo khilaafyada siyaasadeed ee jira, loona fuliyo deyn-cafinta iyo jawaabta laga bixinayo COVID-19.”

Cabdiraxmaan Caynte, oo qoraal kooban soo dhigay facebook, ayaa qoraalka Mareykanka ku qeexay canaan iyo ceebeyn ku wajahan madaxweynaha Soomaaliya iyo tallaabada ugu adag ee diblomaasiyadda, taasi oo sida uu sheegay waji-gabax ku ah madaxweynaha.

“Marka ay safaarad dal aad saaxiib dhow tihiin farriin sidan u qayaxan soo dhigto barteeda bulshada, waxay ka dhigan tahay inay kasoo quusatay wadiiqadda diblomaasiyadda oo ah talo iyo tusaaleyn aan la shaacin, toosna loogu gudbiyo madaxda ay khuseyso. Waxaase muuqaneysa in Mareykanku haatan usoo jeestay canaan iyo ceebeyn. Waana tallaabada ugu adag ee diblomaasiyadda. Ma is leedahay waa laga baaqsan karay waji gabaxan?” ayuu yiri Caynte.

Qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa cadaadiska kusii kordhiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo diidan inuu madaxda maamul goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashooyinka, xilli la sheegay inuu doonayo muddo kororsi.

Baaqa Mareykanka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale goor sii horreysay uu Aqalka Sare ku baaqay shir dhex-mara dowladda, baarlamanka iyo dowlad goboleedyada kahor 25-ka bishan, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka.

Dhowr maalmood un kahor ayay ahayd markii uu fashilmay shir u dhaxeeyay guddiyo kala matala Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada, kadib markii ay madaxtooyada diiday dalab ka yimid dowlad goboleedyada oo ahaa inay ka hor 15-ka bisha kulmaan madaxweynaha iyo madax goboleedyada.