Abiy Axmed oo xilka loo kordhiyey iyo wararkii ugu dambeeyey xiisada Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa mudo aan la cayimin waqti kordhin u sameeyay xukuumadda dhexe ee dalkaas ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Adis Ababa.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa maanta u codeeyay in si lamid ah xukuumadda waqtiga loo kordhiyo maamul goboleedyada qeybta ka ah dowladda federaalka Itoobiya.

Kulankii baarlamaanka ayaa laga sheegay in doorashada guud ee qaranka la qaban doono 9 bilood kaddib, marka ay mas’uuliyiinta caafimaadka dalka Itoobiya ku dhawaaqaan in aysan dalka ka jirin halis caafimaad, maadaama dalkan uu ka jiro xanuunka COVID-19.

Dadka kasoo horjeeda tallaabada uu baarlamaanka Itoobiya waqtiga ugu kordhiyay xukuumadda ayaa walaac ka muujinaya in aysan jirin cid og waqtiga uu dhammaan karo cudurka Coronavirus.

Tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka Itoobiya ayaa ku soo beegmeysa iyadoo Isniintii todobaadkan, ay is casishay Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka Itoobiya Kheyriya Ibraahim.

Kheyriya oo ka hadleysay sababta ay xilka isaga casishay ayaa tiri, “Koox keli talis ah oo maalin walba dastuurka dalka ku xad gudbeysa inaan lasii shaqeeyo diyaar uma ihi” Waxayna u muuqatay inay ka careysneyd qorshaha dib u dhigista doorashada oo ay ka war heshay.

“Dowladda talada dalka Itoobiya hadda haysa waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka isku qasto si ay u kororsato mudda xileedkeeda, ayey sii raacisay hadalkeeda.

Kheyriya Ibraahim waxay aheyd xubintii ugu dambeysay ee xisbiga Tigreega dalkaas ku mataleysay dowladda dhexe, waxaana jira khilaaf culus oo dhaxeeya Ra’iisul Wasaare Abiy iyo is-maamulka Tigreega dalka Itoobiya, oo kol hore ku goodiyay inuu qabanayo doorashada guud ee dalka.

Abiy Axmed ayaa isbaddal weyn ka sameeyay siyaasadda dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2018-kii, waxuuna xilligaas talada dalka kala wareegay xisbiga Tigreega oo muddo dheer soo xukumayey Itoobiya.

Bilihii u dambeeyay Abiy Axmed ayaa wajahayay mucaaraddo weyn iyo dhaliilo ku aaddan sida uu maamulkiisa u maareynayo awood qeybsiga federaalka, waxayna eedeynta ugu badan uga imaaneysa is-maamulka Tigreega.