James Swan oo maanta kulan la yeeshay Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa waxa looga hadlay kulan gaar ah oo ay maanta yeesheen Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin.

Kulankaas oo ka dhacay Xalane ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo doorashooyinka lagu wado inay dalka ka bilaawdaan dabayaaqada sanadkan.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, James Swan ayaa Agaasime Fahad farriin ugu dhiibay madaxweyne Farmaajo, taas oo la xariirta arrimaha doorashooyinka dalka oo mudooyinkan cadaadiska ugu badan lagu saarayo xukuumadda in aysan dhaafin waqtigeeda.

Agaasimaha hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa lagu tiriyaa xubnaha saameynta ugu badan ku leh dalka maadaama uu hoggaamiyo sirdoonka, waana tan keentay in James Swan uu xilligan kala hadlo arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo mareysa meel xasaasi ah.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu cadaadinayaan inay ku dhaqaaqaan doorashooyinka dalka oo aysan waqtigooda la dhaafin, iyadoo dad badana ay qabaan tuhun ah in madaxdu ay damacsantahay muddo kororsi.

Waqtiga ka haray muddada xil heynta madaxda qaranka oo kooban ayaa dhaliyey in sacadihii u dambeeyay ay iska soo dabadhacaan baaqyo is dabajoog ah oo ay jeedinayaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare, dowlad goboleedada Puntland, Jubbland, Hir-Shabelle iyo Madasha Xisbiyada Qaran, safaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo dhinacyo kale.

Dhinacyadaas ayaa dhamaantoodba ka mideysan in la isugu yimaado shir wadatashi ah inta aan oo ay yeeshaan saamileysa siyaasadda Soomaaliya inta aan la gaarin 25-ka bishan, balse waxaa muuqata in dalabyadaas iska soo dabadhacaya ay ka caja jiideyso Villa Somalia, maadaama aysan weli kasoo jawaabin.