Qatar oo jawaab jees-jees ah ka bixisay codsi ka yimid dagaal-ooge Khaliifa Xaftar

Doha (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Mohammed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa jawaab jees-jees ah ka bixiyey codsigii dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu soo marsiiyey dowladda Masar ee ahaa in xabad-joojin laga hir-geliyo Libya.

Al Thani ayaa sheegay in Xaftar “uusan tixgelin lahayn geedi socodka nabadda Libya hadii uusan la-kulmi lahayn guul-darrooyin militari balse hadda ay danta qasabtay.”

Wareysi uu siiyay wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee Le Monde ayuu wasiirku uga hadlay guul daradda Khaliifa Xaftar kasoo gaartay dagaalkii uu doonayey in magaaladda caasimadda ah uu uga qabsado dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Libya.

“Waxaan sheegeynay tan iyo heshiiskii Skhirat ee la gaaray sanadkii 2015-kii, inay lagama maarmaan tahay in colaadda Liibiya lagu xaliyo hannaan siyasadeed, ma ahan in lagu xaliyo awood militari” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa intaas ku daray, “Xafter mar walba waxa uu doorbidaa in uu qalalaase adeegsado, wuxuuna hanaanka siyaasadeed tix-geliyaa keliya markii uu khasaaro.”

“Haddii uu jiro cashar la baranayo, waa in Beesha Caalamku ay adeecdaa geedi-socodka nabadda ee sharciyadda caalamiga ah iyo qaraaradda Qaramadda Midoobay. Taasi waxaa ay badbaadineysaa dad badan oo reer Libya ah iyo kheyraadka waddanka,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Sabtigii lasoo dhaafay Madaxweynaha Masar Cabdul Fitaax Al-Sisi oo saaxiib la ah Khaliifa Xaftar ayaa ku dhawaaqay ‘hindise keligiis ah’ si loo dhameeyo colaadda Libya, taasi oo ay ka mid tahay xabad-joojin kasoo billaabaneysay maalintii Talaadada, balse laga diiday. Hindisaha waxaa aqbalay Jeneraal Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah Afhayeenka baarlamaanka fadhiya Tobruk.

Hindisaha Masar waxaa uu yimid kadib markii ciidanka dowladda Libya ay ka adkaadeen ciidanka Jeneraal Khaliifa Hafter, waxayna dib u qabsadeen meelo horay looga qabsaday oo ay ka mid yihiin goobaha saliidda dalkaas.