Hadalkii Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxreyn iyo fal celiskii Soomaalida Baraha Bulshada

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Baxreyn Khaalid Ibnu Axmed ayaa bartiisa twitter ka waxaa uu soo dhigey hadal uu dowladda Soomaaliya ku dhaliilay kaasoo daba socdey muran dublumaasiyadeedka u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.

” Dowladda Imaaraat ku waxay abaabushay shirar dhawr ah oo Soomaaliya lagu taageerayey ayadoo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna imaaraat ku Soomaaliya ka caawiyeen la dagaalanka burcad badeeda ayagoo siiyey taageero dhaqaale, hub iyo daawo. Laakiin Soomaalidu waxay ugu badashay inkiraad iyo xumeyn ama sumcad dil, waxayna hoosta ka galleen dhabta cadowga ummadda, Illaahay baa nagu filan, una wanaagsan wax la talo saarto” khaalid Axmed

Caadiyan maa ahan badanaa dhaqanka dublumaasiyadda aduunka ka dhaca in muran dublumaasiyadeed oo labo dowladood ka dhexeeya in dowlad kale si qaawan u soo dhex gasho oo mid ula safato, gaar ahaan marka dowladdaan soo dhex galaysa uusan wax xiriir xumo hore ah kala dhaxeyn dowladda ay ka safaneyso.

Hase ahaatee qofkii la socda siyaasadda Carabta uu garan karaa sababta hadalka wasiirka Baxreyn oo ka mida Isbahaysiga ay is hayaan Qatar.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxreyn wuxuu soo jiitey oo dood adag dhex dhigey bulshada Soomaalida iyo Carabta ee sida weyn u raaca wax yaabaha xaasaasiga ah ee lagu qoro xisaabaadka ay twitter-ka ku leeyihiin shaqsiyaadka caanka ah ee ra’yul caamka ama wararka sameeya.

In ka badan dhawr boqol oo qof ayaa jawaabo iyo jawaab celin isku dhaafsadey bogga Wasiirka Baxreyn uu ku lee yahay twitterka.

Soomaali badan oo u badan dhallinyaro afka Carabiga si fiican u yaqaan ayaa doodaan ka qeyb galay ayagoo difaacaya mowqifka Soomaaliya. Doodu waxay u badneyd hadallo kulul oo mararka qaarkood aflagaado iyo cey la is dhaafsaneyey.

Shaqsiyaadka Carabta ah ee taageerayey warka wasiirka oo dhalashadoodu badankood ka muuqatay Imaaratiyiin iyo Sucuudiyiin waxay Soomaaliya ku tilmaamayeen dal burburay oo gaajo iyo argagaxiso degtay, kuna abaal dhacay dowladihii caawinayey.

Laakiin shaqsiyaad kale oo Carbeed ayaa dowladaha Isbahaysiga ku eedeynayey inay doonayaan Soomaaliya in loo burburiyo sida Yamen iyo Iiibiya, waxayna Wasiirka Baxreyn iyo dowladaha kale ugu baaqayeen inay Soomaaliya arrimaheeda gudaha faraha kala baxaan, lagana daayo xad gudubka lagu hayo qarannimadeeda.

Hase ahaatee, waxaa xiiso badan lahaa fal celiska dhalinyarada Soomaalida ah ee ka qeyb qaadatay doodaas. Waxaa ka muuqdey dhallinyaradaas kalsooni iyo qab uu ka muuqdo dhaqankii Soomaalida lagu yaqaanay, waxey ku doodeen in ay abaal u hayaan cid kastoo Soomaaliya caawisay laakiin taas aysan ku badalan karin inay aqbalaan siyaasad wax u dhimeysa qarannimada iyo madax bannaanida dalkooda.

Dhalinyarada qaarkood carro xooggan ayaa ka muuqatey, waxeyna cay iyo hadallo kulul u jeediyeen Wasiirka Baxreyn iyo dowladaha kale ee Carbeed oo ay ku eedeeyeen inay ka shaqeynayaan siyaasad iyo falal Soomaaliya looga abuurayo qalalaase iyo khilaafaad.

Hiba Shookari oo ka mid aheyd dhallinyaradd sida wanaagsan Soomaaliya u difaacdey, aadna uga qeyb-gashay doodaan ayaa tilmaantay in Soomaaliya ixtiraamayso ciddii ixtiraamta, ayna xaq u leedahay inay difaacato danaheeda qaran.

“Ma jirto cid aan raali uga noqonayno inay dalkaanaga kala qeybiyaan” ayey tiri Hiba oo hadal keeda uu ka muuqdey sida ay ugu weyn tahay Soomaalinimadu.

Asad Ibraahim Cadaani oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu caqli celiyey wasiirka Baxreyn kuna nuux nuuxsaday sida ay lagama maarmaan u tahay in aan mashaakil ka dhex jira dowladaha khaliijka loo soo rarin Soomaaliya.

Asad ayaa ku faanay Soomaaliyaba inay caawin jirtay dowladaha khaliijka xili ay ahaayeen dad arradan oo faqri ah.

Guud ahaan doodaani waxay bannaanka soo dhigtay inay jiraan jiil cusub ay ka go’an tahay inay difaacdaan dhaxalkii awooweyaashood iyo qarannimadii ay dhaliyeen dhallinyaradii gumeystihii caddaa dalka ka saarey.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee doodan ka qeyb gashay waxey si weyn ugu celceliyeen inaysan macno ugu fadhin sida dowladuhu u kala lacag iyo dhaqaallo badan yihiin, laakiin ay ku faanayaan inay leeyihiin dal Soomaaliya la dhaho, lehna mustqabal wanaagsan.

Dooddahaas iyo weerarada afka ah ee ay dowldaha iyo muwaadiniintu is dhaafsanayaan, ka sokoow waxaan la inkiri karin in caalamka casriga ah ay dowladuhu yeeshaan iskaashi iyo wax kala badalasho ku dhisan masaalix la wadaago, Soomaaliyana waxaa maslaxadeedu ku jirtaa inay xiriir wanaagsan la yeelato dowladaha caalamka, gaar ahaan kuwa Carbeed oo aan dano badan wadaagno.

Sidoo kale, dowladaha danaha ka leh Soomaaliya waxaa la gudboon inay danahooda iyo masaalixdooda usoo maraan wado sax, kana fogaadaan siyaasaddaha keenaya cadawada iyo kala fogaanshaha oo aan cidna dani ugu jirin.

Ma jirto dowlad ay ka suurta gali karto inay qarannimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed ku badalato kaalmo kooban oo dal kale uga yimaada, Soomaaliyana kama duwana kuwaas haddaan lagu beegsaneyn qaran jabkii ku dhacay oo ay hadda kasoo kabanayso.

W/Q: Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire