Hadalladii Ra’iisul Wasaaraha SWEDEN ee gefka ku ahaa Soomaalida oo laga falceliyey

Stockholm (Caasimada Online) – Gabar Somali Swedish ah ayaa ka baxday xisbiga haya talada dalkaas ee Social Democrats ayada oo ka cabanayesa hadal kasoo yeeray ra’iisul wasaare Magdalena Andersson “oo gef ku ah” Soomaalida.

Saciida Xuseen Mooge ayaa cambaareysay hadallada Andersson oo toddobaadkii tegay ay ku tiri “Sweden ma ahan inay yeelato magaalooyin Soomaaliyeed (Somalitwons).” 

Xisbiga Social Democrats “wuxuu noqday xisbi naceyb,” ayey Saciida Isniintii kusoo qortay barta ay ku leedahay Facebook. 

Saciida ayaa intaas ku dartay inay kalsoonida kala laabtay Andersson oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Social Democrats. 

“Xisbiga Social Democrats hadda kadib uma taagna qiyamka iyo mabaadi’da aan aamnisanahay. Social Democrats wuxuu kasii fogaanaya asalkiisa wuxuuna kusii siqayaa siyaasadda midigta fog, halka uu sidoo kalena noqonayo xisbi naceyb,” ayey Saciida kusoo qortay barteeda Facebook.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in erayada ay adeegsatay ra’iisul wasaaraha ay hurinayaan cunsuriyad, naceyb iyo takoor.

“Waxaan doonayaa inaan qof kasta oo ka fakaraya inuu codkiisa i siiyo doorashada aanu sidaas sameyn. Waxaan qof kasta weydiisanayaa inuu adeegsado inuu bulshada ka saaro kuwa xun xun,” ayey tiri.

Saciida Xuseen Mooge ayaa ah siyaasi aad loo yaqaan oo degan magaalada Gothenburg, waxayna ku jirtay liiska Social Democrats ee doorashada baarlamanka iyo tan golaha deegaanka ee magaalada.

Wareysi ay siisay wargeyska maalinlaha ah ee Dagens Nyheter, ayaa ra’iisul wasaare Andersson waxay ku tiri “Ma dooneyno in Sweden ay yeelato Chinatowns (magaalooyin Shiinees, ma dooneyno in Sweden ay yeelato Somalitowns (Magaalooyin Soomaaliyeed) ama Little Italies (Italiya yaryar).”

Hadallada Andersson ayaa yimid kadib markii la cambaareeyey hindise uu soo jeediyey Wasiirka Socdaalka oo ahaa in Sweden ay ku dayato Denmark oo ay xadiddo xaafadaha ay isugu tagi karaan dadka soo-galootiga ah oo inta badan ku nool meelaha ugu amniga xun magaalooyinka.