Xeeladdii ay Taalibaan ku qabsadeen Afghanistan ee hadda ay adeegsanayaan xarakada AL-SHABAAB

Kabul (Caasimada Online) – Dib u qabsashada Taliban ee maamulka Afghanistan bishii Agoosto sanndkii 2021, ma ahayn hub iyo awood ciidan kaliya oo ay kaga adkaadeen ciidamadii dowladda. Waxaa jirtay arrin kale oo saanad hub ka xoogan badan oo ay u adeegsadeen dagaalkoodii ka-dhanka ahaa dowladda Afghanistan – waana ururinta iyo qaadista canshuuraha. 

Kahor ka bixitaankii ciidamada Maraykanka ee dalka Afghanistan, Ururka Taliban ayaa dhisay wax u eg hannaan dowladeed oo ay canshuuraha kaga qaadaan muwaadiniinta maalin walba. Waxay ka canshuuri jireen wax walba xitaa sigaarka iyo udugga. 

Dakhliga kasoo xerooda canshuurtaas wuxuu sida cad kab u ahaa miisaaniyadda Ururka ee dhismaha ciidamada, taas oo u oggolaanaysay inay ballaariyaan maamulkooda. Waxay dhiseen baro muhiim ah oo lagu hubiyo habraaca bixinta canshuuraha oo ay u arkeen hilinka ugu fudud ee guusha loo maro. 

Baaritaan dhawaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in maamulka Taliban uu aad uga firfircooni iyo raadeyn badnaa maamulkii dowladdii hore oo ku taagneyd kaalmo caalami ah – aadna ugu fiicneyd hannaanka loo ururiyo canshuuraha. 

Laakiin in kasta oo qiyaasta dakhli ee Ururka Taliban uu sheegtay inuu helo aan lagu kalsoonaan karin, haddana waxaa lagu soo warramayaa in kooxdu ay adduun dhan $40 milyan ay kaliya ka sameysay canshuurta ugu soo xeroota ganacsiga maandooriyaha opium-ka la yiraahdo oo aad loogu beero Afghanistan. 

Lacagahani waxay Taliban ku xoojiyeen awooddooda ciidan iyo midda istiraatiji oo ay doonayeen inay ku wiiqaan taliska dowladdii hore oo taageero caalami ah ku dhisneyd. Waxayna ku guuleysteen inay xukunka ka eryaan dowladda. 

Dad badan oo intii baaritaanku socday lala hadlay ayaa sheegay in habka ururinta canshuurta ee Taliban ay ka fiicneyd midda dowladdii hore ay qaadi jirtay taas oo inta badan ay la socotay laaluush iyo wax-is-daba-marin. 

Musuqmaasuq yarida Taliban waxay usoo jiiday qanaacada iyo oggolaanshiyaha dad badan oo qadyaan ka joogay musuqii ay dowladdu ku dhaqmeysay. Waxay hindiseen fikrado isdhexgal iyo dhimrin ah oo loo muujinayo shacabka marka lagala macaamilayo habka bixinta canshuuraha. Waxaa ay dhiseen kaabad adag oo iyaga iyo muwaadiniinta isku xiraysa.

Canshuurta Taliban ay ka qaadaan gaadiidka xamuulka wuxuu ahaa mid kale oo aad muhiim ugu ahaa. Hannaan casri ah oo canshuuraha bixintooda iyo hubintooda loo marayo oo sahlan ayay u dhiseen gaadiidka. Canshuur-bixiyaasha waxaa la siiyaa boono ay ku qoran tahay loogada Taliban taas oo caddaynaysa inay bixiyeen lacagta. Waxaa kale oo xitaa u furneyd dadweynaha inay muujin karaan cabashadooda haddii canshuur xad dhaaf ah la saaray oo aanay awoodi karin. 

Habkan waxay Taliban ugu tala-gashay inay saaxiibtinimo iyo kalsooni fiican kaga kasbato shacabka oo aan ku qanacsaneyn midkii dowladda. Hal darawal oo la hadlay baarayaasha ayaa u sheegay inuu laaluush bixiyo marka uu rabo in canshuurta dowladda laga qaado. 

Daadejinta hannaan fudud oo loo siman yahay waxay Taliban siisay wadiiqo sharciyaysan oo ay talada si sahlan ugala wareegi karaan dowladda oo ay markii dambe ka awood badiyeen.

Dad badan ayaa la yaabanaa sababta aanay rabshado badan uga dhalan af-gembiga Taliban ay ku sameysay dowladda. Waxaa iska cadeyd inaysan u baahneyn awoodda qoriga inay ku maamulaan dadweyne ay mar hore kalsoonidooda ku hantiyeen hannaan maamul oo dabacsan. 

Tan iyo markii si tartiib ah uu gacanteeda ugu soo dhammaaday maamulka Afghanistan, Taliban waxaa kordhay dakhligeeda, waxayna xejisatay maaliyaddii ay ku maalgelin lahayd ciidamadeeda.

Dhimasho iyo canshuurro

Sannad ayaa laga joogaa markii Taliban ay dib u qabsatay Afghanistan, waxaana ay dareemayaan in urur ahan loo qaado canshuuraha ay u fiican tahay kobaca maamulkooda. 

Agoosto 2021 kahor, dakhli ay dowladdu hesho waxaa xooggeeda uu kasoo geli jiray kaalmada caalamiga ah. Hadda 80% deeqdaas ma helaan Taliban. Waxaana la xayiray keydkii dowladda.

Mac-hadka Nabadda US ayaa qiyaasaya in Taliban ay canshuurta ka heshay dakhli dhan $400 oo milyan afartii bilood ee ugu horreysay maamulkooda sannadkii hore. Waana tiro xusid mudan madaama ay qiyaas ahaan dhan tahay dakhligii ay ku howlgalaysay dowladdii ka horreysay isla sannadkaas. 

In kasta oo Taliban aysan aqoonsi buuxa iyo iskaashi caalami ah helin, haddana waxaa iska cad inay ku samata-bixi karto dakhliga uga soo xerooda canshuuraha si ay uga badbaado burbur dhaqaale.

Tani waa casharro ay wax ka baran karaan kooxaha kale ee ka dagaallama dalalka Yemen iyo Soomaaliya kuwaas oo dakhliga canshuuraha u arka halbowlaha halgankooda. Waana arrin ay dunidu iska indha-tirayso. 

Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya waxaa la rumeysan yahay inay ka dakhli ururis badan tahay dowladda federaalka. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qiyaastay in sanadkii 2020 ay Al-Shabaab soo xareysay dakhli dhan $286 milyan.

Inaad si dhow ugu fiirsato habkii Taliban ay u martay dib-u-qabsashada Afghanistan, waxaa kuusoo baxaysa in muhiimad siinta canshuuraha iyo hannaanka maaliyadda ay ahayd sirta guusha lama filaanka ah oo ay Taliban gaartay.

Su’aasha waxay tahay, Al-Shabaab ma mari doontaa waddadii Taalibaan oo kale, oo dakhliga canshuuraha ay ururiyaan ma ku qabsan karaan Soomaaliya.