Xog: Madaxda Galmudug oo isku haya laba qodob oo la xiriira muddo kororsiga u qorshaysan inay fuliyaan

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa laga soo warinayaa isku day uu kaga daba tagayo maamullada kale ee Soomaaliya oo dhammaan beddalay sanadaha muddo xileedka hay’adaha la doorto, sida hoggaamiyaha maamulka iyo baarlamanka.

Maamul goboleedyada oo dastuurkooda lala akhriyo midka federaalka ayaa hadda u muuqda inay ka leexdeen dhabahaas.

Mudd xileedka maamullada marka laga reebo Puntland, wuxuu markii hore ahaa min afar sano, laakiin hadda waxay u xuubsiibteen tirada Puntland oo kale taasoo ah shan sano.

Galmudug waa maamul goboleedka kaliya ee aan weli beddalin qodobka muddo xileedka, laakiin hadda wararka aan heleyno waxay sheegayaan in Galmudug iyaduna isku diyaarineyso in muddo xileedka ay ka dhigato shan sano.

Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland oo iyadu ugu dambeysay ayaa dhammaan muddo xileedkooda ka dhigtay shano sano, Puintland horey ayuu muddo xileedkeeda u ahaa shan sano.

Ilo ku dhow dhow hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa inoo xaqiijiyey inay jiraan soo jeedino ka imaanayo baarlamanka Galmudug oo ah in la aado mashruuca shanta sano.

Gudaha madaxtooyada Galmudug dad kale oo iyaguna doodaas qabo ayaa ku jira. Qoor Qoor oo aan la ogeyn inuu weli aqbalay soo jeedintaas ayaa dhinaca kale wuxuuna xilligaan xiriir fiican kala dhaxeyn Villa Somalia.

Waxaa jira soo jeedino is-diidan oo yaalla Galmudug. Qaar waxay qabaan in illaa bisha December la sugo halka ay ku dhammaadaan muddo kordhinta ay maamulada kale sameysteen iyo sida ay u dhaqan galaan, halka ay jirto aragti kale oo sheegeysa inaan la daahin oo deg deg loo beddalo qodobka muddo xileedka si ay Galmudug uga qeyb noqoto maamullada Xasan Sheekh kala doodaya isbeddalka muddo xileedka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooneysa in la qabto kulan u dhaxeeya madaxda maamullada iyo madaxweyne Xasan Sheekh kaasoo lagu xalinayo mad-madowga xilligaan ka dhex jira labada dhinac.

Kulankaas waxaa laga cabsi qabaa inay hareyso dooda muddo kororsiga maamulada. Waxaa jirta dood bilow ah oo sheegeysa in guud ahaan muddo xileedka hay’adaha federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada in laga dhigo min shan sano.

Farmaajo wuxuu qaatay 5 sano iyo 3 bilood, Xasan Sheekh-na lagama sugayo tiro intaas ka yar, sidaas darteed in sharci ahaan loo beddalo ayaa maangla ah si aysan u dhalin xasilooni daro siyaasadeed ayey leeyihiin dadka ka doodayo mowduucaan.