Puntland oo xog cusub ka bixisay khilaafka ka dhex qarxay DF iyo maamullada

Garowe (Caasimada Online) – Wasaaradaha Maaliyadda ee shanta dowlad goboleed ee dalka ayaa soo saaray go’aan ay dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda, waxaana go’aankaas faahfaahin ka bixiyey wasiirka maaliyadda Puntland.

Xasan Shire Abgaal oo ah wasiirka maaliyadda Puntland ayaa wareysi uu siiyey BBC wuxuu ku faahfaahiyey sababtii ka dambeysay inay wasiirradu soo saaraan go’aankaas xasaasiga ah.

“Qodobada aan cuskanay waa in wax wadatashi ama tix gelin ah aysan nasiin wasaaradda maaliyadda ee DF, go’aamada qaar wasaaradu wax tix-gelin ah nagamasiin, taas ayaana kaliftay inay joojino wadashaqeyntii,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Puntland.

Wasiir Xasan Shire ayaa intaas ku sii daray inuu la hadlay wasiir maaliyadda dowladda federaalka, kadibna ay ku balameen in shir ay isugu yimaadaan, balse shirkaas uu go’aankaan ka soo hor maray, isagoo sheegay dantooda ka dhex arkeen in wadashaqeynta la joojiyo marka hore.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda Puntland ayaa aad uga gaagaabsaday inuu dul istaago qodobada ay ku eedeynayaan wasaaradda maaliyadda DF, isagoo ku soo koobay inay kaligeed go’aano iska qaadatay, sidii horena aysan ula shaqeyn dowlad goboleedyada.

“Waxa kalifay in warqadaan aan soo saarno ayaa jira, go’aano aysan cidna kala tashan oo wasaaraddaan ay soo saartay ayaan dib ka ogaanay, mana doonayo inaan sii guda galo, waxaana isleeyahay waa la xali karaa hadii la isku yimaado arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Shire Abgaal.

Ugu dambeyntii wasiirka maaliyadda Puntland ayaa yiri, “Dalku waa federaal oo Xamar kaliya maahan, marka wasaaradda maaliyadda waxaan ka dooneynaa in talo la isugu yimaado oo go’aannada la qaadanayo ay ku yimaadaan talo la wada leeyahay.”

Warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasiirrada maaliyadda ee shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa lagu faafiyay baraha bulshada gelinkii dambe ee shalay.

Warqaddaas waxaa lagu sheegay in laga billaabo 30-ka August, 2022, ay wasaaraduhu joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku eedeeyeen baal-marista heshiisyo hore.