Daawo: Xaad oo si yaab leh uga jawaabay sababta uu 15 sano u hoggaamiyo Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo marti ku ahaa barnaamij uu baahiyey TV-ga Dalsan ayaa jawahay su’aalo ku saabsan sababta uu 15-sano Guddoomiye ugu yahay beelweynta Hawiye, Farmaajana uu laba sano uga hor istaagay inuu sameysto mudo kororsi.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in 15 sano ka hor 378 qof oo Hawiye ah ay ku doorteen suuqa Bakaaraha, xilligaas oo dagaalkii reer Muqdisho ay kula jireen ciidamada Itoobiya uu hoggaaminayey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tolkiisa Hawiye ay ku abaal-mariyeen billada geesiga, taas oo sida uu sheegay ku dhiira gelisay in dhibkii ama hoggaan xumadii soo wajahda dalka uu dusha u rito xal u raadinteeda.

“Maalintii la igu doortay suuqa Bakaaraha, waxaa la i siiyey magaca guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Hawiye, laakiin kadib la igama qaadin xilkaas oo ilaa hadda oo 15 sano laga joogo waan hayaa,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Waxaa la weydiiyey sababta 15 sano uu hoggaanka beel ama qabaa’il dhan u hayo, oo madaxweyne Farmaajo uu uga hor istaagay laba sano kaliya inuu xukunka dheereysto, wuxuuna ku jawaabay, “Oday dhaqameedku xilalka siyaasiga ah lama mid aha, duub caano lagu shubayna maahi, oday la doortay oo cadow dalka soo weeraray lagula diriray ayaan ahay.”

Wuxuu intaas ku sii daray, “Cadowgii Itoobiya waan ka guuleysanay, hadana waxaan ahay nin oday ah oo la ixtiraamo oo tolkey bilad geesi ayey isiiyeen, maalintii dhibaato ay dalka soo wajahdana, waxaan ahay gaashaanka loo dhigo.”

Hoos ka daawo