Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilal cusub magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magacaabay Ergey cusub, kaas oo Soomaaliya u qaabilsanaa doona ganacsiga heer caalami iyo maalgashiga dalka, waxaana xilkaas loo magacaabay Khadar Cabdirixmaan Maxamed.

Sidoo kale Dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha waxaa lagu magacaabay la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Shidaalka iyo Gaaska, Axmed Cali Yuusuf ayaa loo magacaabay xilkaas.

“Madaxweynaha oo ka duulaya muhiimadda ay leedahay horumarinta nolasha shacabka Soomaaliyeed, kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga Khayraadka dalka ayaa magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Ganacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha oo labadan masuul ku soo xulay “aqoontooda iyo waayo-aragnimada shaqo ayaa ku adkeeyey in ay door wanaagsan ka qaataan qorshaha dowladdu ee Soomaali isku filan dhaqaale ahaan” kana gudubta saboolnimada iyo abaaraha oo ka mid ah caqabadaha curyaamiyey dalkeenna.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga rajeeyey Ergeyga Gaarka ah ee Gannacsiga Heer Caalami iyo Maalgashiga Mudane Khadar Cabdirixmaan Maxamed iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Shidaalka iyo Gaaska Mudane Axmed Cali Yuusuf in uu u fududeeyo shaqada Qaran ee hortaalla.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, maanta oo 31-ka bishan Ogoosto, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.