FIQI oo shaaciyay tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab ay ka dishay odayaasha 135-ta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markii u horeysay shaaciyay in Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee rasmiga ah ay kooxda Al-Shabaab ka dileen 29 kamid ah, kuwaasi oo tiradoodu aheyd 135.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhamaan dil ugu xukuman yihiin Odayaasha dhaqanka, isaga oo ka dalbaday inay si toos ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“Odayaasha guud oo ay ku jiraan kuwaasi oo diiwaanka la hayo waa 324 Oday, oo iyagu qeyb ka ahaa dhismaha dowladnimada. Waxaa ugu dambeysay nabadoon toddobaadkii hore halkan lagu dilay,” ayuu yiri.

“Qaar saaka aan joogin oo toddobaayo ka hor waxay ku sigteen inay gacantooda ku baxaan, marka ma waxa fiirsana sida xoolihii ariga in mid mid nalooga soo baxo oo inta kale hortooda lagu gowraco, waa in aan xooga mideyno.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in aan heshiis xiligaan lala galeyn kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay tahay in la iska dhiciyo oo loo midoobo.

“Ajendayaasha Lixda ah ayey kamid yihiin dalka dib u xoreyntiisa iyo masuuliyada amniga. Waxaa naloo soo xil-saaray in Odayaasha ay go’aamiyaan oo dubaha ku dhuftaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in dowladda ay muhiimad gaar ah siisay amniga guuda ee dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in si dhab ah loogu wada istaago si loo wiiqo argagixisada.