Imaaraadka iyo Israel oo u heshiiyey Sacuudiga & Qatar

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka wuxuu gacan saar la sameysanayaa Maamulka Israa’iil, si ay wadajir ugu carqaladeeyaan dadaallada dib-u-heshiisiinta dalalka Khaliijka. Waxay qalqal-gelinayaan xiriirka Qatar iyo Sucuudiga ee soo hagaagaya, waxaa kale oo ay sii xoojinayaan khilaafka kala dhaxeeya Baxreyn, waxaa sidaas ku warramay wargeyska Al-Qudus Al-Carabi.

Isagoo soo xiganaya xog laga helay dukumiintiyo iyo warbixinno qarsoodi ah, waxa uu wargeysku daaha ka qaaday dadaalka Imaaraadka iyo Israa’iil ay isku dubaridayaan si loo wiiqo shirkii dib-u-heshiisiinta ee Sucuudiga uu martigeliyay ee Al-Ula horraantii sannadkii hore.

Shabakadda Emarates Leaks oo iyadu isku tilmaamtay inay tahay “madal warbaahineed oo ku gaarowday faafinta fadeexadaha Imaaraadka iyo dambiyada ay gashay” ayaa lagu daabacay warbixin lagu sheegay inay tahay unug sir ah oo ay Imaaraadka iyo Israa’iil si wadajir ah u sameeyeen, si ay u wiiqaan dadaallada dib-u-heshiisiineed ee dalalka Khaliijka.

Cutubkan ayaa sidoo kale loogu tala-galay inuu khilaaf ka dhex abuuro dalalka Khaliijka, sida ay ku heshiiyeen La-taliyaha Amniga Qaranka Imaaraadka, Tahnoun Bin Zayed iyo saraakiisha sare ee ammaanka ee Israa’iil. Waxaa la sheegay inay jirto rabitaan guud oo ah in la fara-geliyo arrimaha Khaliijka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Israa’iil ay rumeysan yihiin in isu-soo-dhawaanshaha Sucuudiga iyo Qatar ay dhaawacayso danahooda, islamarkaana dib-u-dhac ku keenayso xiriirka caadiyaysan ee Riyaad kala dhaxeeya. Sidaa awgeedna, loogu baahan yahay in la abuuro khilaafka Dooxa iyo Riyaad. 

Qorshaha la isku af-gartay ayaa sida ay sheegayaan warar hoose waxaa kamid ah ol’ole warbaahineed oo lagu kicinayo ra’yiga dadweynaha ee ka-dhanka ah Qatar iyo in Sacuudiga lagu cambaareeyo go’aankiisa Dooxa. Baraha bulshada ayaana loo isticmaalayaa si loogu adeegsado ujeeddadaas.

Qoraalladii u dambeeyay ee lagu soo daabacay koontooyinka baraha bulshada ee Israa’iil iyo Imaaraatka, tusaale ahaan, waxaa kamid ahaa codad duuban oo la jarjaray oo ku saleysan dhacdooyin hore iyo hadallo looga dan lahaa in dib loogu soo nooleeyo khilaafka Sucuudiga iyo Qatar.

Muuqaallada noocan oo kale ah waxaa kamid ah codad la duubay oo uu baahiyay weriyaha Israa’iil, Eddie Cohen oo ku saabsan muuqaal hore oo Amiir Bandar Bin Sultan uu ku weeraray Qatar kaas oo uu ku sifeeyey dal aan faa’iido lahayn. Mareegaha Imaaraatka iyo aaladaha ay adeegsadaan ayaa arrintan isla markiiba dhiirri-geliyay.

Shir-madaxeedka 41-aad ee Khaliijka oo sannadkii hore lagu qabtay magaalada Al-Ula, ayaa madaxda iyo wafuudda dalalka Khaliijka waxay ku kala saxiixdeen bayaan ku saabsan in loo lasoo gabagabeeyo khilaafka Khaliijka, isla markaana xoogga la saaro ixtiraamka mabaadi’da deris wanaagga.

Dhawaan ayaana hoggaamiyayaasha Imaaraadka, Jordan, Ciraaq, Masar iyo Baxrayn waxay ku kulmeen magaalada El Alamein ee Masar si ay u bilaabaan hindise fulinaya ajendaha Abu Dhabi ee gobolka.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedkooda rasmiga, madaxdu waxay ka wada-hadleen iskaashiga iyo arrimaha gobolka, caalamka iyo horumarrada la xiriira. Si kastaba, ilo-wareedyada ayaa tilmaamaya inay doonayaan inay fuliyaan ajandaha Imaaraadka oo ay ku jirto u adeegidda danaha Israel.