Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed C/llaahi Xasan oo kamid ah Aqoon yahaanada kasoo jeeda Magaalada Muqdisho xiligaana ku nool Dalka Britain, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/Weli Gaas uu u gafo DF Somalia.
Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay dhagihiisa kusoo dhaceen Codad uu baahiyay C/weli Gaas oo muujinaaya xurgufta kala dhexeysa DF Somalia, wuxuuna taasi ku sheegay mid aan suuragalin doonin furfurnaansho Siyaasadadeed oo ay DF ku wajahdo Maamulka Puntland.
Aqoon yahaanka ayaa waxa uu yiri “Waxan aad uga xumahay in C/weli Gaas oo xil kasoo qabtay Dowladii KMG aheyd uu xiligaani isku dayo inuu kasoo horjeesto danaha Dowlada Federaalka Somalia, waxan si gaar ah ula yaabay inuu ka hor imaado qodobadii laga soo saaray shirka Jabuuti ka dhacay waxa uu warbaahinta ka sheegay inuu qaadanaayo wixii isaga u dan ah, wixii intaa kasoo harana uusan taageersaneyn”.
Maxamed C/lahi Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Waa nasiib daro inuu kasoo horjeesto wax waliba oo maslaxa u ah Somalia, Gaas micnuhu hadii uu maamul madax ka noqday maaha inuu DF u gafo, waxaa looga baahan yahay inuu dowlada si hoose uga dhaadhacsiiyo waxa uu ka tabanaayo”
Waxa uu Madaxweynaha Dowlada federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu si Siyaasadeysan ula dhaqmo Maamul Goboleedyada dalka oo aan la fogeyn qadiyadda.
Waxa uu DF ku dhaliilay in xiliyada Maamul goboleedyada laga qeybgalinaayo shirarka dibada iyo kuwa dalka ay kala qeybiso Maamulada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]