Xildhibaanada wada mooshinka oo jawaab kulul ka bixiyey go’aankii JAWAARI ee yaabka lahaa.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo horjeeda mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaab cad ka bixiyay go’aankii dhawaan uu soo saaray gudomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah xildhibanada soo diyaariyay mooshinka labaad ee lagu difaacayo Xasan Sheikh, ayaa sheegtay ineysan marnaba diyaar  u aheyn iney wadahadal ku dhameeyaan mooshinada is diidan ee horyaala gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Waxay sheegtay in mooshinka koowaad ee lagu eedeynayo madaxweynaha uusan sharci aheyn, loona baahan yahay gudoomiyaha baarlamaanka inuu go’aan cad ka qaato arimaha mooshinka.

Dhanka kale Xildhibaan Mustaf Muqtaar Guudow  oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta saxaafada la hadlay ayaa shegay in gudoomiye jawaari uu masuul ka noqonayo haddii xubnaha baarlamaanka ay gudan waayaan waajibaadka horyaala.

“Jawaari isaga ayaa masuul ka noqonayo haddii shaqada baarlamaanka ay socon weydo, marnaba wadahadal ma galeyno, waxaana haboon in labo qof marka ay isku dhacdo si wanaagsan loogu kala gar qaado”ayuu yiri xildhibaan Guudow.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalin ka hor soo saaray go’aankiisa ku aadan mooshinada isdiidan, wuxuuna ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com