XOG: Xildhibaanno taageersanaa XASAN Sheekh oo u go’ay garabka mucaaradka ee mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan garabka Mooshin wadayaasha kasoo horjeeda Xassan Sheekh ayaa sheegaya in qaar kamid ah garabka Muxaafidka Xassan Sheekh ay usoo go’een dhinaca Mooshin wadayaasha kasoo horjeeda Madaxweyne Xassan.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Xildhibaanada soo jabay ay yihiin kuwo si aad ugu dhowaa Madaxweynaha kadib markii Siyaasad cusub kala kulmeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xubno dhanka xal ka gaarista Mooshinka u qaabilsanaa Madaxweynaha.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa Caasimada u xaqiijiyay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay mid marba dhinac la safanaayo oo aan laheyn meel loo raaco taasina ay keentay in kala jajab uu soo foodsaaro garabka Muxaafidka.

Waxa uu sheegay in ilaa 4 Xildhibaan ay dhankooda usoo jabeen, halka 10 kalane ay kula jiraan wada hadal, si ay ugu soo biiraan garabkooda.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in garabka Mucaaradka ay iminka ku dhex milmeen kuwa taageersan Madaxweyne Xassan, isaga oo taasi ku micneeyay Siyaasad cusub oo ay adeegsanayaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xiligaani ah mid u badan dhinaca Madaxweyne Xassan waxa ayna taasi sara qaaday Khilaafka labada dhinac.

Lama oga waxa xigi doona Xildhibaanada kusoo biiray garabka Mucaaradka inkastoo saadaashu ay tahay mid muujineysa in Jawaari uu ku hingoobi doono Siyaasada uu iminka adeegsanaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com