Xusuustii XAAJI AXMED JUUNI (Qiso cajiib ah).!!

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Dhibaatada dagaalka sokeeye keenay waxaa ka mid ah in la iloobay waxay dadka Soomaaliyeed isu ahaan jireen, wanaagay isu geli jireen iyo siday wax u wadaagi jireen. Dhanka kale, Waxaan weli la iloobin godobtii belaha soomaaliyeed kala galeen dagaalka sokeeye dhexdiisa. Waxaad marar badan maqleysaa: Ma reer hebel baa wanaag naga dhexeeyaa! Ma reer hebel baan aamina! Way, bal ani iyo reer hebel day! iwm. La yaab ma leh oo miisaanka hadda wax lagu xukumayaa waa mid ku saleeysan wayaa’argnimadii foosha xumayd ee laga dhaxlay dagaalka sokeeye.

Haddaba, Soomaalidu sidaas ma ahaan jirin. Waxaa jirey dad soomaali ah oo bulshaweeynta soomaaliyeed isugu mid tahay iyagoo aan u firiin qabiil iyo qaraabo hoose. Dadkaas fiican waxaa ka mid ahaa Alla u naxariistee, jannadiina haka waraabiyeee, Xaaji Axmad Juuni oo runtii ahaa bulsho koriye, samafale, deeqsi ku darsaday dul, degganaansho iyo dabci wanaag.

Xaajiku, intii taqaan baa taaqaane, wuxuu makhaayad ku laha shineema Banaadir agagaarkeeda. Waa makhaayaddii korisey dhalinyaro badan oo arday ah oo magaalada Xamar u imaan jirey waxbarasho sanooyonkii kontomeedyadii iyo lixdamedyadii. Waxaan ka hadlayaa ma aha hal iyo labo ee waa boqollaal dhalinyaro ah oo waxbarasho ugu soo socdaali jirtey Xamar ka dib markay dhameeystaan waxbarashada Dugsiga Hoose. Waxaa xusid mudan in waayahaas Xamar loo soo aadi jirey waxbarashada laga bilaabo heerka dugsiga dhexe.

Xaaji Axmad Juuni wuxuu ka soo jeeday beesha Abgaal. Haseahaate, dhalinyarada  uu koriyey oo lacagtiisa wax ku baratay waxay ahaayeen badi kuwo  ka yimid gobollada Mudug iyo gobolkii la oran jirey Majerteenya, badina waxay ka soo jeedeen beesha Daarood, siiba Majeerteen. Waxaa hubaal ah in dhalinyaradaasi ayan wadi kareen wabarashadooda, gaari kareenna horumarkay hiigsanayeen hadduusan ahayn, Allaha u naxariistee, Xaaji Axmad Juuni, oo u oggolaaday inay makhaayaddiisa deyn ku cunaan. Aan isa saxo, deeyn ma ahayn  ee waxay ahayd deeq waxbarasho iyo daryeel bulsho. Wadamada horumaray, sida dalkaan Kanada, ayaa ardadooda siiya deyn ay wax ku bartaan laakiin deyntoodu waa mid dulsaar iyo dabagal la socdaan. Deynta Xaaji Juunise dulsaarna ma lahayn dabagal iyo dacwadna ma lahayn. Markii wax la helo iyo sidii wax loo helo ayaa wax loo bixin jirey. Waxaa igu maqaala in dadka qaarkood ay caruurtoodii  bixiyey deyntii ay qabeen.

Anigu xiriir gaar ah ayaan la lahaa Xaajiga qof ahaan iyo qoys ahaanba. Aabahay iyo Xaajiga ayaa yaraantii is macruuf ahaa oo ka wada shaqeeyn jirey kawaan Xamarweyne ku yiil xilligii Fashiistada Talyaaniga. Sanadkii 1959kii Ayaan ka soo wareegay magaalada Garoowe, una imid  magaalada Xamar waxbarashada dugsiga dhexe “Scuola Media Inferiore”. Nasiib wanaag waxaan durbadiiba ku biiray dhalinyaradii tirada badnayd oo ku tiirsanayd makhaayadda Xaaji Juuni Allaha u naxariistee.  Waxaa Xaajiga ii geyey nin aan ilma adeer nahay Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan anigoo yaaban oo kistii jiscinka ahaydna iga idlaatay. Bashiir isagu horey ayuu ugu qornaa makhaayadda. Sidii caadada u ahayd, wuxuu Xaajigu igu soo dhaweeyey waji furan iyo niyad san. Weli waan xusuustaa. Waxay ahayd galab casar gaab. Xaajigu, isagoo dhollacadeeynaya, ayuu yiri” cun, buugaanna xisaab ku qor, Nabadey.

Sidaan kor ku xusay, deeynta Xaajigu ma ahayn mid aan bil kasta bixinayo. Maya, sidaas ma ahayn, mana loogu talagelin. Waxay ahayd xisaab furan oo xilligii aan wax helo wax bixinayo ama bil ha noqoto ama sanad ha noqoto ama sanooyin ha qaadato. Waxaa moodaa in Xaajigu aniga iyo dhalinyarada kaleba  lahaa:  war wax barta, wax noqda, deyntu iyadaa isbixin doontee. Waayihii dambe, kol kol ayaa Xaajigu Bankiga igu soo mari jirey. Waxaan in badan ka maqli jirey isagoo leh  ”lacagtaan cidda ii soo dirtay garan maayo”. Yaa kale, waxaa u soo diray dhalinyaradii uu koriyey oo wax noqotay.

Afar sano ayaan cunayey makhaayadda Xaaji Axmad Juuni ilaa aan shaqo ka helo Bankiga Dhexe ee soomaaliyeed. Muddadaas, weligay ma arag Xaajiga oo qof ku qaylinaya, ama hiifaya ama hadal xun u celinaya. Xishood iyo xurmo ayaa dhaqan u ahaa. Waxaa dhacday in sanad iyo in ka badan aanan Xaajiga wax lacag ah siin. Iyadoo xaaladdu sidaas tahay ayaa haddana walaalkay Dr. Axmad Dalmar igu soo biiray. Xaajigu, Allaha u naxariistee, yah iyo yuh midna ma dhihin, timirtii horeba dab loo waa ma dhihin.  Sidii looga bartay, walaalkayna qalbi iyo waji furan ayuu ku soo dhaweeyey. Intaas waxaa ii sii dheeraa, waxaan Xaajiga ka shaxaadi jirey kharashyada yar yar sida jariinka iwm. Bal u fiirso, isagoo intaas oo deyn ah igu leh ayaan haddana lacag caddaan ah ka qaadan jirey. Markii aan shaqada helay, Xaajigu wuxuu igu lahaa lacag dhan 2000 shilin oo aan deg deg u bixiyey. Labada kun shilin ee wagaas ma ahayn labada kun shilin ee manta oo, sidaan maqlay, aan dariiqa laga qaadan hadday dhulka ku dhacd oo masaakiintu diido. Labada kunoo Shilin ee wagaas waxay ahayd lacag aad u badan oo qiimo leh. Haddaan ra’yi idinka siiyo waxay ahayd biilkii aan cunayey 13 bilood (150 shilin bishii). Haddaanan shaqada helinna deeyntu waa iska socon lahayd.

Maxaan u xusayaa Allaha u naxariiste Xaaji Axmad Juuni? Marka hore, waxaan u xusayaa, wuxuu  aha shakhsiyad qaali ah oo taariikhi ah oo mudan in la xuso oo la qadariyo oo abaal ku leh dad badan oo Soomaaliyeed oo aan anigu ka mid ahay.. Waxaan mararka qaarkood arkaa ama maqlaa qof la guddonsiinayo billad ama shahaado sharaf ka dib markuu ka qaybqaatay mashruuc  samafaleed. Xaaji Axmad Juuni isagu rubuc qarni (in ka badan 25 sano) ayuu ardo Soomaaliyeed taakuleeynayey isagoo aan cidna ka sugeeyn abaal marin iyo aqoonsi.

Midda kale, waxaan xusuusinayaa bulshada soomaaliyeed in dadka Soomaaliyeed  walaalo ahaayeen intaan la waalan.Bal u fiirso, Xaaji Juuni ma habysan jirin ardada qabiilkooda, ma oran jiren reer hebel xaggee isa soo galeen sida hadda la yiraahdo. Wuxuu arkay ardo soomaaliyeed oo mustaqbal leh, wuxuuna u soo dhaweeyey si walaaltinnimo, gacalnimo iyo Soomaalinimo ku dheehan tahay. Waxaa dhici karta inay jogeen magaalada dad la hayb ah dhalinyaradaas oo weliba madax ah oo haddana albaabada ka xirtay.

Gabagabadii, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu u naxariisto Xaaji Axmad Juuni Jannatul firdowsana ka waraabiyo, warasadiisiina baraariyo oo badbaadiyo. Aamiin

W/Q: Maxamad Dalmar

mdalmar@sympatico.ca