Hal go’aan oo R/W Kheyre u furan haddii uu wasiiradiisa waayaan codka xildhibaanada!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa talaadadii lasoo dhaafay si rasmi ah ugu dhawaaqay golihiisa wasiirada oo ka koobnaa 26 wasiir, hal Ra’isulwasaare ku xigeyn, 26 Wasiir ku xigeyn iyo 15 Wasiirul Dowle.

Haddaba waxaa durba bilaabatay mucaarad xooggan oo ka dhan ah golaha wasiirada iyadoo qaar ka tirsan wasiiradii la magacaabay ay si rasmi ah isaga casileyn xilalkii loo dhiibay kadib markii ay sheegeyn inaysan ku qanacsaneyn waxa loo magacaabay.

Haddaba ififaalada muuqato maahan mid si fudud looga gudbi karo seefta Xildhibaanada maadaama ay jiraan siyaasiyiin badan oo ka shaqeenayo sidii loo fashilin lahaa xukuumadda cusub ee lagu dhawaaqay.

Siyaasiyiinta ku kacsan xukuumadda cusub ee ololaha wado ayaa u badan kuwa ballanta looga baxay iyo kuwa waayey xilal ay codsadeyn, waxaana Muqdisho ka socdo shirar kala duwan oo looga soo horjeedo wasiirada cusub.

Haddaba haddii uu Xasan Cali Kheyre ku fashilmo inuu golihiisa wasiirada uga helo cod Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la isla dhex marayaa hal arrin oo furin inuu si deg deg ah u qaato si uusan mar kale codka Xildhibaanada u weyn.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in haddii uu Ra’isulwasaaraha ku fashilmo inuu Baarlamaanka ku qanciyo wasiiradiisa ay lagama maarmaan tahay inuu dhammaan XIldhibaanada ka saaro liiska si uu uga dago culeyska saaran.

Ra’isulwasaaraha oo markii horeaba xildhibaanada ku siiyey tiradaan badan ee wasiirada si uu uga helo codad badan ayaa la kulmay cadaadis iyo mucaaradka badan oo kaga imaanayo qaar badan oo ka tirsan Xildhibaanada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa waxaa ka dhex jiro loolan adag waxaana ka go’an inay qaadacaan wasiirada cusub maadaama laga dhex arkay xildhibaanada qaar halka qaar kalana laga waayey taasoo keentay inay qaadacaan xildhibaanada laga tagay, xisaatabana ku darso Xildhibaanada oo dhan wasiiro lagama dhigi karo waxayna midaas kuu sheegeysaa inay qasab tahay in dhammaantood liiska laga saaro.

Asbuucaan bilaabanayo ayaa laga warsugayaa sida uu xaalka noqon doono, iyo go’aanka uu qaadan doono Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre haddii uu waayo Kalsoonida Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com