Hal sano kadib inqilaabkii fashilmay ee Turkiga (Maxaad u baahan tahay inaad ogaato?)

Sannad ayaa kasoo wareegtay isku daygii inqilaab ee fashilmay kaasoo ay kadambaysay kooxda uu hogaamiyo wadaadka Fatuhullah Gülen loona yaqaan “Hizmet”. kooxda ayaa doonaysay in ay af-gambi ciidan kula wareegto talada dalka meeshana laga saaro hayadaha sharciga ah, sida baarlamaanka jamhuuriyada iyo madaxwayne Erdogan oo markii ugu horaysay taariikhda jamhuuriyada lagu doortay 52% dabayaaqadii sanadii 2014.Isku dayga inqilaab ayaa daba socday mudaharaadyo rabshada watta oo xukuumada looga soo horjeeday oo kabilawday Istanbul sanaddii 2013 kuwaasoo loogu magacdaray mudaharaadyadii Gezi baarki “Gezi Park Protests”. Rabshadahaas oo xukuumadu ku eedaysay in jamaacada iyo warbaahinteedu huriyeen ayaa waxay dhibaato gaarsiiyeen dhaqaalaha, amniga iyo sumcada dalka ee dhanka xuquuqda aadanaha. Waxana xilligaas ururada udooda xuquuda aadanaha oo badankoodna laga leeyahay wadamada reer galbeedka ay eedayn usoo jeediyeen xukuumada.

Iskudaygii afgambi ee 15/07/2016 waxaa naftooda ku waayay dad kudhaw 300 oo ruux waxaana ku dhaawacmay tiro kabadan 1000 qof. Inkasta oo inqilaabku fashilmay dadkii lagu eedeeyay iyo guud ahaan xubnaha jamacaada Hizmet na ay noqdeen wax laqabtay iyo wax baxsad ah hadana saamaynta ay dhacdadaaasi ka tagtay ayaa ah mid wax badan ka badashay aragtida dadwaynaha iyo siyaasada dalka. Waxaan shaki ku jirin in dhacdadaasi waddo cusub u jeexday hab socodka siyaasada dalka wakhtiyada inagu soo food leh. Isbadalada kadhasha inqilaabka fashilmay waxay dhidibbada u aasayaan siyaasad kaduwan tii lagu soo dhaqayay turkıga tan iyo markii uu “Mustafa Kamaal” aasaasay nidaamka jamhuuriga ah. Mid kamid ah waxyaabaha waawayn ee dhacdadaasi hirgalintiisa fududaysay waa meel marinta is badalada dastuurka lagu sameeyay, waxayna dad badani rumaysan yihiin in muwaadiniinta turkidu 51% ay ku ogolaadaan isbadaladaas kuwaasoo awoodo dheeraad ah siinaya madaxwaynahya jamhuuriyada ay muujinayso cabsida ay shacabku qabaan iyo dareenkooda ku aadan baahida loo qabo helidda hogaamiye awood leh oo wadanka ilaalin kara si aysan mar danbe udhicin waxyaabo khatar galiya qarannimada.

Sidoo kale dawladda waxaa usuurtagashay  in ay shaqo badan ka qabato sidii hayadaha dawlada looga sifayn lahaa xubnaha jamaacada ee kabuuxsamay sanadihii lasoo dhaafay, waxaana xabsiga ladhigay dad gaaraya 50,000 oo ruux oo isugu jira askar,boolis, garsoorayaal iyo dad rayid ah, wayna adkaan lahayd in kooxda laga sifeeyo hayadaha dawlada haduusan iskudayga inqilaab dhici lahayn. Xirxirida dadkaan iyo soo rogidda xaalada dagdag ah “State of Emergency” ayaa keentay cambaaraynta ururo iyo dawlado reer galbeeda ah kuwaasoo ku doooday in xukuumadu inqilaabka kadib doonayso  in ay meesha kasaarto cid kasta oo kahor timaada siyaasada madaxwayne Erdogan iyo xisbigiisa.

Wadanka Turkiga wuxuu ku yaalaa gobol gubanaya oo dagaalo wajiyo kala duwan kasocdaan uguna wayntahay dhibta kataagan dalka suuriya mudada shanta sano ah dhibaatadaas oo turkiga amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba saamayn ku yeelatay. Turkigu meesha uu juqraafi ahaan dhaco, taaariikhda dheer ee gobolka kala dhaxaysa, iyo cududiisa dhaqaale iyo ciidanba waxay khasab ooga dhigayayaan in uu kaalin mug wayn kaqaato xal uhelidda dhibaatooyinka gobolka, arintaan oo ubaahan in markahore turkigu arimihiisa gudaha xal waara uhelo ayna kamid yihiin xaaladaha ka dhashay isku daygii inqilaab ee dhicisoobay.

Iyada oo laxusayo sanad guuradii kasoo wareegtay inqilaabka fashilmay ayaa waxaa mudan in la is waydiiyo, dimuqaraadiyada turkigu maka wanaagsantahay sidii ay ahayd inqilaabka fashilmay kahor?  Waa su, aal jawaabteeda lagu kala duwan yahay lkn si dhamaystiran loo ogaan doono wakhtiyada dhaw ee soo socda.

W/Q: Abdiwali Mohamed Sayid