Hal sano kadib maxaa iska badalay warfaafinta madaxtooyda Somalia ?

20-kii March 2017 warfaafinta Villa Somalia waxaa u baryay waa cusub, madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dikreeto kusoo saaray in Cabdinuur Maxamed Axmed uu yahay agaasimaha warfaafinta ee Villa Somalia laga bilaabo maalinkaas.

Cabdinuur Maxmed Axmed wuxuu ahaa nin horey xiriir fiican ula lahaa bahda saxaafada Somalia, wuxuu ahaa wariye, u dhaqaaqe dhanka bulshada ah, muxalil siyaasadeed iyo shaqaalo hay’adeed, waaya aragnimadiisa iyo aqoonta shaqsiga ah ee loo lahaa ka sokow waxaa dhamaan bahda warbaahintu ay is weydiineysay sida uu xafiisku noqon doono iyo qaabka uu ula jaan qaadi doono saxaafada madaxa banaan madaama uu guud ahaan dalku isbadal galay, soo dhoweyn badan kadib waxaan qormadaan dib ugu eegeynaa waxyaabaha iska badalay xafiiska warfaafinta Villa Somalia iyo xiriirka xiligaan kala dhaxeeya saxaafada madaxa banaan.

1-Dib u hagaajinta xafiiska warfaafinta

Mudo kadib, waaxda warfaafinta ee Villa Somalia waxaa ay yeelatay dhisme u gaar ah iyo qalab u gaar ah. Dhisme ka kooban ilaa 6 qol ayaa la siiyay waaxdan si ay howlahooda u dar dar galiyaan, waxaa yaraaday ku tiirsanaantii uu xafiiskan ku tiirsanaan jiray wasaarada warfaafinta iyo qalabkii shaqsiyaadka ee la isticmaali jiray waxaana xafiiska loo muunad ekeeyay mid lagu iibin karo ujeedooyinka Qaranka iyadoo loo maraaayo saxaaafada.

2-Xiriirka warbaahinta madaxa banaan

Xafiisku wuxuu magaacabay agaasime u gaar ah inuu la macaamilo saxaafada madaxbanaan, wuxuu casuumay tiro 2 jeer ah hogaanka warbaahinta xorta ah ,kulamadaas waxaa diirada lagu saaray sida ugu macquulsan ee looga wada shaqeyn karo danta Qaranka, warbaahinta waxaa loo sameeyay jadwal iyo sidoo kale kaarar u sahlaya howlaha ay kaga baahdaan madaxtooyada.

Waxaaa meesha ka baxday wariyaashii dhibaatada u mari jiray xogaha Villa Somalia iyo bahdilaadii ay ilaalada ku qabeen.

3-Dhiiri galinta saxaafada gudaha

Xafiisku wuxuu badalay dhaqankii ahaa in boosaska ka banaan lagu buuxiyo dad aan horey ugu jirin saxaafada oo jid qabiil ku yimid. Ilaa 8 shaqaaale oo xafiiska looga baahday mudadii sanadka aheyd waxaa laga qaatay warbaahinta gudaha si loo dhiiri galiyo, sidoo kale wariyaashu waxey fursad u heleen iney koox koox u raacaan safaarada madaxweynaha, bahda saxaafada ayaa si diiran usoo dhoweysay labadaan arimood.

 4-Colaadinta warbaahinta

Mudo kadib, waxaa istaagay xarigii iyo caga jugleyntii saxaafada madaxa banaan kaga imaan jirtay dhanka Dowladda, horey hay’adaha Amniga ayaa toos ula macaamili jiray wariyaasha iyo warbaahinta hadii ay dareemaan in Dowladda lagu fogaaday waxaana falcelintu ay noqon jirtay xarig ama handaad. Xiligaan xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia ayaa u dhaxeeya wariyaasha iyo hay’adda Amniga waxaana uu xafiisku ku guuleystay inuu xaalad walba oo saxaafada la xiriirta uu isagu qaab hoose ku xaliyo.

5-Wax soo saarka

Waaxda warfaafinta ee Villa Somalia ayaa u muuqata mid ku guuleysatay iney xakameyso xogaha iyo muuqaalada aan loogu talo galin iney baxaan, nuuca sawirada iyo muuqaalada ee laga soo gudbiyo madaxweynaha ayaa noqday kuwo aan dhaliil laheyn, saxaafada online-ka ayaa sidoo kale deg deg ku hesha qoraaladda kasoo baxa xafiiska madaxweynaha taas oo noqotay mid aad loogu amaanay Agaasime Abdinur iyo kooxdiisa.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo aan teleefoonka kula xiriiray isagoo Muqdisho jooga ayaan weydiiyay sida uu arko mudadii sanadka aheyd ee u xafiiska joogay iyo waxa uu rajeynaayo sanadkaan waxaana uu ku jawaabaay ;

“ Runtii wuxuu ii ahaa sanad wanaagsan, waa dareemi kartaaa culeeska ay lee dahay masuuliyadan, waxaan ku dadaalay ilaa xad iney wax walba wanaag ku dhacaan, waxaan abuuray saaxiibtinimo u dhaxeysa madaxtooyada iyo saxaafada madaxa banaan, wuxuu noo ah sanadkii sahanka, waxaan xoogaa saarnay isbadalka xafiiska iyo hormarintiisa, waxaa jira waxyaabo badan oo sanadkii hore aan qorsheeyay balse aan hir galin kuwaas oo aan filaayo iney sanadkaan qabsooman, waa shaqo Soomaalida oo dhan ay wada leeddahay waxaan saxaafada iyo shacabkaba weydiisanayaa iney nala shaqeeyaan ,waxaan u baahanay aragtidiina iyo talooyinkiina” .

Bahda saxaafada ayaa inta badan aaminsan inuu jiro is badal weyn oo xafiiskan ku yimid tan iyo bishii March ee sanadkii hore.

Waxaa Qoray; Cabddulaahi Cismaan Faarax

Raafac22@gmail.com