Daawo: Jawaari oo habaar kala duldhacay shaqsiyaadka dhibta iyo kala iibsiga ku hayo Digil iyo Mirifle

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’, ayaa ku howlan kulamo gaargaar ah oo uu la qaadanaayo qaar kamid ah Xildhibaanada iyo Odayaasha kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Jawaari, ayaa kulankiisa uga hadlaayay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay xiisada Siyaasadeed iyo shaqsiyaad arbushaad ku haya ‘’Digil iyo Mirifle’’

Jawaari waxa uu alle uga baryay in shaqsiyaadka dhibta u maleegaya dalka iyo Digil iyo Mirifle uu dhinac mariyo.

Jawaari, waxa uu dhinacyadaasi u sheegay in xiliyada uu ku guda jiro Salaada uu ‘’Sujuuda’’ alle uga baryi doono in dalka uu ka qabto waxa uu ugu yeeray ‘’kuwa iibsanaaya’’, sida uu hadalka u dhigay.

Jawaari, waxa uu sidoo kale ka duceystay shaqsiyaadka dhibaatada kala iibinta ah ku haya ‘’Digil iyo Mirifle’’, waxa uuna sheegay inay jirto dhibaatooyin badan oo aan iminka muuqan.

Xildhibaanada iyo Odayaasha ‘’Digil iyo Mirifle’’, ayuu ugu baaqay inay hurdada ka kacaan oo ay kamid noqdaan kuwa usoo jeeda isbedelka iyo wax qeybsiga, waxa ayna khudbada Jawaari u muuqatay mid uu ku calool jilicsanaayo ’’Digil iyo Mirifle’’