Xildhibaanada taageersan Jawaari oo weli ka walwalsan hal shuruud oo ay ku adkeysanayan Mooshin wadayasha

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli magaalada Muqdisho ka taagan guuxa ka dhashay Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari, ayaa la sheegay inay ku dhagan yihiin in in mooshinka uu noqdo gacan taag.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari ayaa doonaaya inaanu mugdi galin shaqsiyaadka codeynaaya ee la kala safan Mooshinka iyo Mooshin diidka.

Xildhibaan Maxamuud Abukaato oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanada Mooshinka wada ay weli ku adkeysanayaan in Mooshinkooda uu noqdo gacan taag.

Xildhibaan Abukaato waxa uu sheegay in Dastuurka dalka  uu qorayo mooshinka marka loo codeynayo in uu noqdo qarsoodi hayeeshee ragga hadda mooshinka wada ay doonayaan in dastuurka la garab maro oo gacantaag laga dhigo si ay u ogaadaan inta codka siisay iyo in inta kale.

Waxa uu intaa ku daray in qorshaha laga leeyahay uu yahay in garabka Mooshinka wada ay si toosa u xisaabsadaan codkooda, halka cod qariska uu keenikaro mugdi.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay kuwa uu ku tilmaamay ‘’Mooshin wadayaasha’’ in aysan heysan tiro ku filan sidaas darteedna ay doonayaan in ay gacan taag u dhacdo mooshinka ka dhanka ah guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale, Gudoomiye Jawaari ayaa horay Xildhibaannada Mooshinka ka keenay uga codsaday in ay tirada dhameystirtaan 10 maalmood gudahood sida uu qaba xeer hoosaadkana ay mooshinka geeyaan Golaha shacabka.

Dhinaca kale, labada garab ee ku kala jabay Mooshinka ayaa midba midka kale ugu goodinaayo Mooshinka iyo Xildhibaanada sii kordhaaya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com