Goodax “Xasan Sheekh ayaa xildhibaanada soo wacaya, 12 Damul-Jadiid ah ayaa xildhibaanada qasaya”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galayey caawa dood kulul oo xildhibaano ku dhex mareyso Talefishinka Somali Cable ayaa sheegay waxyaabo yaab badan.

Goodax Barre ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ku eedeeyey inuu qeyb ka yahay loolanka u dhaxeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsan Mooshinka laga keenay Prof. Jawaari.

Goodax Barre ayaa carabka ku dhuftay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu soo wacay Xildhibaano isla markaasna uu u sheegay in la difaaco Jawaari isla markaasna laga shaqeeyo sidii loo fashilin lahaa Mooshinka ka dhank ah.

Wuxuu sheegay inuu madaxweynihii wado olole xooggan oo uu ku doonayo in lagu difaaco Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof.  Jawaari oo u muuqdo inuu culeys badan kala kulmayo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Goodax Barre ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka harsan la’yahay sida uu hadalka u dhigay 12 Xildhibaan oo ka tirsan Ururka Damul Jadiid.

Goodax Barre ayaa sheegay inay Xildhibaanada diyaar u yihiin in codka kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com