Dowladda Qatar oo Safiir aan Caadi aheyn usoo magacowday Soomaaliya iyo Amiirka oo amray in…

Doha (Caasimadda Online) – Amiirka Dalka Qatar Tamiim Bin Xamad Al-thani oo Maantas oo saaray Wareegto rasmi ah ayaa dalka Soomaaliya usoo magacaabay Safiir heerkiisa sareeyo kaasoo lagu sheegay inuu yahay Safiir aan caadi aheyn Ambassador Extraordinary- سفيرا فوق العادة).

Safiirkaan loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Xasan Xamza Asad Haashim wuxuuna Soomaaliya ka qaban doonaa danaha dalka Qatar.

Amiirka ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay in magacaabistaan ay dhaqan galeyso Maalinta lasoo saaro wareegtaan oo ku beegan Maanta, wuxuuna amray in lagu daabaco wargeyska Qaranka iyo in lagu baahiyo Raadiyaha iyo Tv-ga dowladda leedahasya.

Qatar ayaa ka mida dalalka Khaliijka ee ku loolamaya xaaladda Soomaaliya, waxaana dhowaan xumaaday xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Soomaaliya, kadib markii shirkadda DP World ay heshiiska dekadda Berbera ku soo biirisay dalka Itoobiya.

Qatar ayaa lagu wadaa inay heshiisyo dhowr ah la saxiixato Soomaaliya, iyadoo kordhin doonta taageerada dhaqaale ee ay siineyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya la gashay heshiisyo ay kamid tahay inay dhisto waddooyinka isku xiro Jowhar iyo Muqdisho, Shabeelada hoose iyo Muqdisho.

Sidoo kale waxaa mashaariicda Qatar laga sugayo kamid ah inay dayactir ku sameyso Xarunta Xisbiga oo saldhig u noqon doonto Ra’isulwasaaraha dalka Soomaaliya.