Halka ay ku dhuumaneyso xaaska baxsadka ah ee amiirka Dubai oo la ogaaday

London (Caasimada Online) – Amiirad Haya Bint al-Hussein oo ah xaaska amiirka Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa ka carartay seygeeda, ayada oo qaaday tallaabo aan caadi ka ahayn boqortooyada Imaaraadka Carabta.

Amiiradda ayaa lagu warramayaa in iminka ay isku qarineyso guri ku yaalla magaalada London ee dalka Britain, sida la ogaaday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa laga soo xigtay in amiiradda ay nolsheeda u cabsatay, maadaama ay isku diyaarineyso dagaal dhinaca sharciga iyo maxkamadda ah oo kala dhaxeeya ninkeeda, oo ay rabto inay iska furto..

Haya ayaa markii hore u baxsatay dalka Jarmalka horraantii sanadkan, ayada oo magangalyo doon ah, balse waxay kadib usoo wareegtay London, oo ay maxkamad kula kori doonto ninkeeda.

Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum iyo Haya ayaa is-guursaday sanadii 2004, waxayna ahayd xaaskiisa lixaad.

Amiirad Haya ayaa dhalatay bishii may 1974. Aabaheed waa boqor Xuseen-kii Jordan, hooyadeedna waa Queen Alia al-Hussein. Waxay jirtay saddex sano oo kaliya markii hooyadeed ay ku geeriyootay shil helicopter diyaaradeed. Waxay ku aabe tahay oo ay la dhalatay boqorka iminka ee Jordan, Boqor Cabdallah.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com