DF oo war kasoo saartay mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyada ee musuq loo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xarigii loo geystay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii qaabilsanaa Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International.

Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay inay Mas’uuliyiintaas soo xirtay CID-da ayna ku jiraan gacanta Dowladda.

Bariise ayaa sheegay inay Mas’uulyiintaas xabsiga la dhigay kadib markii uu sheegay  ay heleen xog ku saabsan musuq maasuq ay ku kaceen.

Dadka la xiray ayuu sheegay inuu isugu jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Saraakiil kamid ah Ciidanka Booliska Qeybta Canshuuraha.

Taliyaha ayaa xusay inuu baaritaanka ku socdo Mas’uuliyiintaas isla markaasna natiijadii kasoo baxdo loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh qaadista eedeymaha musuqa la xiriira ee lagu heysto.

Taliyaha  waxa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Canshuurta ay shacabka masaakiinta iyo ganacsatada kala duwan bixiyaan in shaqsi si gaar ah uu u isticmaalo taasna ay ka dhallan doonto in Maxkamad la isisoo taago.

Bariise waxa uu sheegay in Shacabka Canshuuraha ay bixinayaan ay ugu tala galeen in ay ku kabaan dowladda si dalka uu u hormaro balse aanan la aqbali karin in shaqsiyaadiki lagu aaminay ay ku tagri falaan lacagahaasi Canshuuraha ah oo ay bixiyeen Shacabka.

Mas’uuliyiinta falkaan musuq maasuqa u xiran oo aan dhawr jeer warbixino idinkaga soo gudbinay ayaa la sheegay inay yihiin illaa 9 waxaana noo suurtagashay inaan helno mgacyada iyo xilalka qaar ka tirsan oo kala ah:

  1. Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik
  2. Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli
  3. Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan.
  4. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com