Sawirro: Wafdi caalami ah oo R/W Kheyre kula biiray Dhuusamareeb iyo qorshaha

Dhuusamareeb (Caasimada Online) Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah Ururka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madeira ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali Guyo iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdigan waxaa garoonka magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wasiirada arrimaha gudaha, amniga iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Intaasi kadib waxaa mas’uuliyintaasi loo oo galbiyay gudaha Dhuusamareeb, gaar ahaan halka uu ka dagan yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Khayre iyo wafdigan ka socda IGAD iyo Midowga Africa ayaa yeeshay kulan gaar ah oo qaatay saacado badan.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaasi ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee Galmudug, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii Beesha Caalamka ay war ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, kaas oo lagu soo dhaweeyay dadaalada dib u heshiisiineed ee maanulkaasi.

Isbedallo xoog leh ayaa ka dhacay Dhuusamareeb, tan markii dowladda federalka Soomaaliya ay wafdi u dirtay magaaladaasi, kuwaas oo guullo ka gaaray wada-hadallo ay la yeesheen Madaxda sare ee Ahlu-Sunna iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com